Tottenham Oo Jidka Guusha Ugu Soo Laabatay Xasuuq Ay U Geysatay Newcastle

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa cadho kula dul-dhacday Newcastle United, waxaanay ku xasuuqday 4-1 iyagoo kusoo laabtay tubta guusha ee ay ka maqnaayeen shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Tottenham oo shantii ciyaarood ee guu dambeeyey afar ka mid ah laga badiyey, midna barbarro soo gashay ayaa waxay garoonkeeda kusoo dhoweysay Newcastle United, waxaanay ku dubatay 4-1 iyaga oo waqti horeba ka takhalusay Spurs.

Qaybtii horeba waxay Tottenham xaqiiqsatay in ay guuleysanayso iyagoo weerar aan kala joogsi lahayn ku ekeeyey goolka uu waardiyaha ka ahaa Dubravka oo saluug badan ka jirto tayadiisa, isla markaana laba kulan oo uu ciyaaray laga dhaliyey lix gool.

Udogie ayaa hoggaanka u dhiibay Tottenham daqiiqaddii 26aad ee ciyaarta ka hor intii aanu Richarlison raacinin goolka lab aad iyadoo uu xiddiga reer Koonfur Korea ee Son uu dariiqa kusoo bahdilay Trippier ka hor intii aanu dhiibin kubadda goolka labaad.

Newcastle oo khadkeeda dhexe uu curyaamay bilowgiiba ayaa kubadda isku-haagjin kari weyday, waxaana meesha ka baxday filasho ay jamaahiirta kooxdu qabeen oo ahayd in ay qaybta labaad dhaami doonto sidii qaybta hore ayaa noqon weyday filashadii.

Richarlison ayaa hoggaanka usii dheereeyey Tottenham daqiiqaddii 60aad oo u dhaliyey gool saddexaad, isaga oo ka daba baxay difaaca Newcastle United oo seexday, waxaana uu si fudud u dhamaystiray kubbada oo uu la hor tegay goolka oo dhinaca bidix ah.

Heun-min Son ayaa ugu dambayntii isku qoray diiwaanka goolasha kooxdiisa daqiiqaddii 85aad, markaas oo uu gool u beddelay rikoodhe loo dhibay Spus.

Newcastle ayaa heshay gool aan waxba ka beddelin natiijada ciyaarta waqtigii dheeraadka ahaa, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday Tottenham oo soo cidhiidhsatay kaalinta shanaad oo ay kala baxday Manchester United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga