Qorshaha Manchester United Kula Wareegayso Xiddiga Uu Nacay Pep Guardiola Ee Kalvin Phillips

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaysa inay la saxeexato xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips ee ku dhibaatoonaya Etihad Stadium, halkaas oo uu tababare Pep Guardiola ka siin waayey fursad ciyaareed.

Manchester City ayaa la rumaysan yahay in ay u ogolaanayso 28 jirkan in uu iskaga tago Etihad Stadium marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga foodda innagu soo haya, waxaana laacibkan raadinaya kooxo badan oo horyaalka Premier League iyo Serie A ah.

Newcastle United ayaa la warinayaa in ay si weyn u doonayso kubbad-burburiyahan, sidoo kalena Liverpool ayaa ay wararku sheegayaan in ay isku dayi doonto inay weydiisato Man City, hase yeeshee waxa hadda saaxadda soo gashay Manchester United oo ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo saxeexa laacibkan.

Red Devils oo ku jirta xilli-ciyaareed aad u liita oo ay burbursan yihiin khadkeeda dhexe, weerarka iyo difaaca, ayaa waxa la sheegay in ay dalab ka gudbinayso Kalvin Phillips marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, laakiin qorshaha United ayaa ah in kaliya ay amaah kusoo qaataan.

Phillips oo 89 daqiiqadood oo kaliya u ciyaaray Manchester City xilli-ciyaareedkan, kuwaas oo ahaa afar kulan oo uu beddel kusoo galay, ayaa waxa in uu ka tegayo kooxda xaqiijiyey tababare Pep Guardiola oo saxaafadda la hadlayay Jimcihii, laakiin ma aanu caddaynin inay si rasmi ah u iibinayaan iyo inay amaah ku dirayaan.

Haddii Phillips uu tago Manchester United, waxa uu ku biiri doonaa liiska dhawr ciyaartoy oo labadan kooxood ee isku magaalada ah u kala gudbay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga