Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Kooxdiisa

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta war fiican u sheegay taagerayaasha isaga oo sheegay in ay dib u soo celin doonaan dhawr xiddig oo ka maqnaa kulanka Burnley ee Premier League.

Gunners ayaa doonaysa in ay si wado guulaha xidhiidhka ah marka ay booqanayso kooxda Burnley kulan ka tirsan premier League.

Arsenal ayay ka maqnaayeen xiddigaha  Emile Smith Rowe, Gabriel Jesus, Oleksandr Zinchenko & Takehiro Tomiyasu.

Ka hor kulanka Arteta ayaa xaqiiyay in ay xiddigaha dhaawaca ku maqnaa ay horumar samaynayaan.

“Qaar ka mid ah horumar fiican ayay samaynayaan, waxa aan maanta leenahay tababar qaar ayaa ka qayb qaadan doona sidaas darteed waa war fiican”ayuu yidhi Arteta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga