Liverpool Oo Laba Daqiiqadood Kaga Takhalustay Fulham Kulan Waalli Ahaa Oo TODDOBA Gool La Iska Dhaliyey

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul layaableh oo soo laabasho ah ka gaadhay Fulham oo marti ugu ahayd Anfield kulan la iska dhaliyey toddoba gool oo ay Reds laba gool ku dhalisay laba daqiiqadood oo dhamaadka ciyaarta ah.

Liverpool ayaa diidday inay is-dhiibto oo adkaysigii iyo niyaddii lagu yaqaanay ugu dagaallantay dhamaadkii, si ay saddexda dhibcood uga qaadato kooxda safarka ugaga timid London ee Fulham oo laba jeer ka daba-timid Liverpool, isla markaana gool saddexaad la timid dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsanaayeen.

Alexander-Arnold iyo Wataru Endo ayaa noqday halyeeyada Liverpool ee ku suntan guusha iyo saddexda dhibcood ee ay ka qaateen Fulham, waxaanay laba gool dhaliyeen daqiiqadihii 87aad iyo 88aad, kuwaas oo ahaa gantaallo ay ka tuureen meelo durugsan oo uu goolhaye Leno awoodi waayey in uu joojiyo.

Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 20aad ee bilowga, markaas oo uu Trent Alexandeer-Arnold u dhaliyey laad xor ah oo uu birta ku dhuftay, kaddibna dhabarka kaga dhacday goolhaye Leno oo sidaas shabaqa ugu hubsaday.

Goolkan ayaa waxa uu yimid daqiiqado ay ciyaartu u taagnayd dhaawac madaxa kasoo gaadhay goolhaye Leno oo isku dayayey inuu Mohamed Salah ka badbaadiyo kubbad halis ahayd.

Afar daqiiqadood gudahood ayay Fulham kaga jawaabtay waxaana gool qurux badan u dhaliyey Harry Wilson, hase yeeshee waxa min hal gool iskugu jawaabay Alexis Mac Allister iyo Kenny Tite ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Jurgen Klopp ayaa sameeyey isbeddelo khadka dhexe ah, waxaanu saaray Szoboszlai iyo Mac Allister, si uu u firfircoonaysiiyo khadkiisa dhexe, balse waxay taasi fursad u noqotay Fulham oo hoggaanka ciyaarta la wareegtay.

Daqiiqaddii 80aad ayay Fulham  dhalisay gool uu madax ugu saxeexay Bobby Reid oo madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Tom Cairney, waxaanay Fulham si weyn ugu dabbaal-degtay goolkan oo ay u qaateen in uu go’aaminayo guushooda.

Jurgen Klopp ayaa sameeyey isbeddel degdeg ah oo ay taageereyaashu rumaysan waayeen, waxaana uu soo geliyey Wataru Endo oo daqiiqaddii 83aad soo galay, laakiin ilbidhiqsiyo ku noqday geesiga ciyaarta.

Xiddiga reer Japan ayaa markiiba goolka ku toogtay kubbad balse waxa isku dhigay difaaca oo ka badbaadiyey isla markaana u saaray dhinaca midig.

Daqiiqaddii 87aad ayuu Wataru Endo gool qurux badan ku barbarreeyey ciyaarta, isaga oo bannaanka ka toogtay kubbad uu dhinac toogtay oo uu ka helay Mohamed Salah.

Alexander-Arnold ayaa daqiiqaddii 88aad dhaliyey gool aad u qurux badnaa oo hoggaanka ugu dhiibay Liverpool, isla markaana guusha ciyaarta ee Reds ugu go’aamiyey.

Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray ayay Liverpool raadisay gool kale balse ma aanay ka faa’iidaynin fursadihii ay heleen, iyadoo kulankan uu Darwin Nunez nasiibku diiday oo dhawr fursadood oo dahabi ahaa uu khasaariyey.

Guushan ayaa ka dhigan, in Liverpool ay soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, waxaanay yeelatay 31 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka dambeeyaan Arsenal oo hoggaanka ku haysa 33 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga