Sam Allardyce Oo Adeegiisa U Soo Bandhigay Maamulka Chelsea Si Uu U Badalo Mauricio Pochettino.

Sam Allardyce ayaa adeegiisa u soo bandhigay Todd Boehly xilli aan la hubin mustaqbalka Mauricio Pochettino.

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ayaa wakhti adag ku qaadanaya chelsea iyada oo kooxdu guuldaro 1/0 ah kala kulantay Liverpool kulan ka tirsanaa final-ka Carabao cup-ka.

Chelsea ayaa kaalinta 11-aad premier Legaue ku jirta kadib si xun oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka inkasta oo ay lacag hal bilyan suuqa galisay kadib markii uu Boehly la wareegay kooxda.

Allardyce ayaa shaqadiisa u soo bandhigay kooxda chelsea si uu shaqada uga badalo Mauricio Pochettino Kaas oo cadaadis saaran yahay.

Allardyce oo la hadlaya TalkSport ayaa yidhi”Haa, dib ayaan ugu laabanayaa London bari hadii ay ila soo xidhiidhaan”.

“Waxa ay u baahanyihiin in ay xoojiyaan daafaca, chelsea haatan waxa ay ku jirtaa daafaca ugu xun premier Legaue”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga