AKHRISO: Xiddigaha Ingiriiska Ee Ugu Mushaharka Badan Iyo Ciyaartoyga Lama-filaanka Ah Ee Figta Sare Looga Hadhay

Waa run in adduunyada ay lacagtu hoggaamiso, waana run in ciyaartoydu ay raacaan dariiqa ay lacagta ku helayaan, wayna yar yihiin inta ay kubaddu jiidato ee daneeya xirfaddooda iyo halka ay koobab ku qaadayaan marka loo eego halka ay lacag badan ka helayaan.

Waxa kale oo run ah in lacagta iyo xiddiguhu isku lammaan yihiin oo kooxda lacag haysata ay soo urursato ciyaartoyda ugu wanaagsan, kaddibna ay ku guuleystaan koobabka ugu waaweyn.

Qormadeennan waxaynu ku eegaynaa ciyaartoyda xulka qaranka England ee kooxaha kala duwan u ciyaara, waxaana aynu kasoo xulanaynaa 15ka ugu mushaharka badan oo badankoodu ka dheela horyaalka Premier League.

Kaalinta koowaad, ayaa waxa ku dhegay oo hoggaanka u haya ciyaartoyda ugu qanisan Ingiriiska, kabtankii hore ee Liverpool ee Jordan Henderson oo xagaagii hore u wareegay horyaalka waddanka Sucuudiga isaga oo ku biiray kooxda Al-Ittifaq.

Go’aanka bixitaanka Jordan Henderson ayaa lama filaan ku noqday Jurgen Klopp oo rumaysnaa in ugu yaraan hal sano uu laacibkani kusii sugnaan doono Anfield oo uu qayb ka noqon doono dhismaha naadiga ee jiilka da’yarta ah lagu soo ururinayo, laaiin 33 jirkan ayaa arkay kiish lacag ah oo ay ula diyaar tahay Al-Ittifaq.

Harry Kane ayaa isagana ay lacag ka jiidatay Tottenham oo xagaagii u wareegay Bayern Munich, waxaana uu noqday ciyaartoyga labaad ee Ingiriis ah ee ugu mushaharka badan, halka Jude Bellingham oo ay Real Madrid awood dhaqaale kaga soo qaadatay Borussia Dortmund uu saddexaad ku jiro, taas oo ka dhigan in saddex ciyaartoy oo Ingiriis ah oo kooxahoodii beddelay ay yihiin kuwa ugu mushaharka badan.

Halkan kaga bogo 15ka ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee ugu mushaharka badan iyo kooxahooda

1. Jordan Henderson (Al-Ettifaq) – £663,411-toddobaadkii

2. Harry Kane (Bayern Munich) – £414,632-toddobaadkii

3. Jude Bellingham (Real Madrid) – £345,471-toddobaadkii

4. Raheem Sterling (Chelsea) – £325,000-toddobaadkii

5. Marcus Rashford (Manchester United) – £300,000-toddobaadkii

6. Jack Grealish (Manchester City) – £300,000-toddobaadkii

7. Jadon Sancho (Manchester United) – £250,000-toddobaadkii

8. Mason Mount (Manchester United) – £250,000-toddobaadkii

9. John Stones (Manchester City) – £250,000-toddobaadkii

10. Reece James (Chelsea) – £250,000-toddobaadkii

11. Declan Rice (Arsenal) – £240,000-toddobaadkii

12. Phil Foden (Manchester City) – £225,000-toddobaadkii

13. Ben Chilwell (Chelsea) – £200,000-toddobaadkii

14. Bukayo Saka (Arsenal) – £195,000-toddobaadkii

15. Harry Maguire (Manchester United) – £190,000-toddobaadkii

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga