Mucjisada Goolasha Ee Bundesliga Oo Kusii Jeeda Man United, Saxeexa Ay Ku Dagaallamayaan Real, City, United, Munich & Dortmund Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Manchester United ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro Estevao Willian oo ah 16 jir reer Brazil ah oo garabka weerarka uga ciyaara Palmeiras, kaas oo ay hore ugu loollamayeen Real Madrid, Man City, Chelsea, Bayern Munich iyo Borussia Dortmund. (Teamtalk)

Garabka weerarka kooxda Al-Ittihad ee Jota oo 24 jir ah ayaa doonaya in uu dib ugu soo laabto Yurub oo uu ku biiro Tottenham oo uu joogo tababarihiisii hore ee Celtic ee Ange Postecoglou, laakiin Spurs ma hubto in ay helayso xiddiga Portugal. (The Sun)

Arsenal waxay wada-xaajood oo heshiis kordhin ah la bilowday difaaca reer Japan ee Takehiro Tomiyasu oo 25 jir ah, kaas oo qandaraaskiisu ku egyahay June 2025. (Athletic)

Gunners waxa kale oo ay kalsooni buuxda ku qabtaa inay heshiis cusub ka saxeexi doonto difaaca England ee Ben White oo 26 jir ah. (Standard)

Man United waxa ay wada-hadallo kula jirtaa difaaca Romania iyo kooxda Genoa ee Radu Dragusin oo 21 jir ah. (Prosport)

Brighton ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxeexdo tababaraheeda Roberto De Zerbi oo lala xidhiidhinayo Napoli iyo Real Madrid. (90 min)

Juventus ayaa rajaynaysa in ay bisha January la saxeexan doonto labada ciyaartoy ee Manchester United ee Jadon Sancho iyo Donny van de Beek. )Teamtalk)

Bartilmaameedka Chelsea ee Khvicha Kvatskhelia waxa uu doonayaa in uu tago Real Madrid oo uu ka ciyaaro Santiago Bernabeu, sida uu sheegay aabbihii. (Express)

Manchester City ayaa diyaarinaysa dalab ay ka gudbin doonto xiddiga khadka dhexe ee Brazil ee Lucas Paqueta oo ah 26 jir u ciyaara West Ham, waase haddii uu ka badbaado in lagu ganaaxo khamaar uu sameeyey oo hadda baadhitaan ku socdo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga