Slot Oo Afka Furtay Kana Hadlay Shaqo Ka Caydhintiisii Liverpool.

Tababare Arne Slot ayaa afka furtay kana hadlay shaqo ka caydhintiisii Liverpool.

Slot ayaa shaqada laga caydhiyay kadib xilli ciyaareed aad u liita oo ay kooxdu soo bandhigtay xili ciyaareedkii dhamaaday.

Slot oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi:-

“Waxay ahayd safar cajiib ah oo aan wada qaadannay Liverpool. Aad ayaan ugu faraxsanahay uguna mahadcelinayaa inaan ku guuleysannay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.”

Slot ayaa ka tagaya Liverpool iyadoo kooxda Reds ay ku dhammaatay kaalinta shanaad xilli ciyaareedkan. Kaalintaas waxay u suuragelisay inay u soo baxdo tartanka UEFA Champions League, balse ugu dambayn milkiilayaasha kooxda ayaa go’aansaday in isbeddel dhanka tababarka ah loo baahan yahay.

Tababaraha ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa bilowgii xilli ciyaareed iyada oo kooxdu ku dhamaystay koob la’aan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga