Tababaraha Chelsea, Xabi Alonso, ayaa ka hadlay xaaladda kooxdiisa ka hor kulanka adag ee ay Axadda la ciyaari doonaan Arsenal, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay dhaawaca Moises Caicedo, bixitaanka Enzo Fernandez, iyo qaabkii Chelsea u wajahday suuqa kala iibsiga xagaagan.
Alonso ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay suuqa kala iibsiga Chelsea, isagoo xusay in kooxda ay gaartay inta badan qorshayaashii ay dejisay tan iyo dhammaadkii May iyo bilowgii June, Wuxuu sheegay in kooxda hadda leedahay isku-dheelitirnaan wanaagsan iyo tartan caafimaad qaba oo ka jira boosaska kala duwan.
Markii la weydiiyay haddii uu taageeray go’aankii Chelsea ay Enzo Fernandez ku iibisay, Alonso wuxuu sheegay in go’aamada waaweyn iyo kuwa yaryarba ay kooxda si wadajir ah u gaarto, Wuxuu sheegay in Chelsea ay qadarinayso wixii Enzo uu kooxda u qabtay, balse hadda ay tahay waqtigii kooxda ay horey u sii socon lahayd iyadoo ku shaqaynaysa ciyaartoyda hadda ku jira kooxda.
Alonso wuxuu sheegay in go’aanka kama dambaysta ah laga gaari doono maalinta Sabtida hadi uu ciyaarayo & hadii kale moses caicedo , taasoo ka horreysa kulanka Arsenal ee Axadda, Tababaraha ayaa sheegay inaan loo baahnayn in laga welwelo dhaawaca ilaa qiimeynta ugu dambeysa la sameeyo.
Alonso ayaa si weyn u amaanay Morgan Rogers, isagoo sheegay inuu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah qorshaha Chelsea ee hadda iyo mustaqbalka, tababaraha ayaa sheegay in Rogers uu durba saameyn wanaagsan ku yeeshay kooxda, isla markaana xiriirka uu la sameeyay ciyaartoyda kale iyo weeraryahannada uu yahay mid aad u wanaagsan, Alonso wuxuu aaminsan yahay inuu noqon karo ciyaaryahan muhiim u ah Chelsea sannadaha soo socda.
Chelsea ayaa Axadda booqanaysa Arsenal, waxaana labada kooxood ay isku wajihi doonaan kulan muhiim ah oo ka tirsan Premier League, Alonso wuxuu sheegay in kooxdiisu ay weli ku jirto marxalad hore, maadaama xilli ciyaareedka ay ciyaartay laba kulan oo keliya, balse uu ku qanacsan yahay bilowga iyo labada guul ee ay gaareen.
Wuxuu qiray in Chelsea ay weli leedahay waxyaabo ay horumar ka samayn karto, gaar ahaan marka ay la kulanto kooxaha difaacooda hoose u dhiga, balse wuxuu aaminsan yahay in kooxdu si tartiib ah u sii horumari doonto.
Ugu dambeyn, Xabi Alonso wuxuu muujiyay kalsooni ku aaddan kooxdiisa cusub, isagoo sheegay in Chelsea ay leedahay ciyaartoy tayo leh, xulashooyin badan oo khadka dhexe ah iyo tartan boosaska ah, Si kastaba, indhaha ayaa si gaar ah loogu hayaa xaaladda Moises Caicedo iyo haddii uu diyaar u noqon doono kulanka weyn ee Arsenal.
Be the first to comment