Macalinka Man utd oo kahadlay Xidiga uga ciyaari doona booska dambeedka bidix kadib fashilkii suuqa

Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa sheegay in kooxda ay gudaha kooxdeeda ka heli karto xal ay ugu dabooli karto booska daafaca bidix, kaddib markii ay ku guuldarreysatay inay xagaagan la soo wareegto daafac bidix oo cusub, Manchester United ayaa xagaagan suuqa kala iibsiga ku bixisay ku dhowaad £150 milyan, balse booska daafaca bidix ayaa weli ah meel walaac laga qabo. Luke Shaw ayaa hadda ah xulashada kaliya ee khibradda sare leh ee kooxda ka haysata booskaas.

Carrick ayaa sidoo kale sheegay in Patrick Dorgu uu noqon karo mid ka ciyaara booska daafaca bidix haddii loo baahdo, Dorgu inta badan wuxuu Manchester United uga ciyaaray garabka bidix, balse tababaraha ayaa xusay inuu horey uga soo ciyaaray daafaca bidix, isla markaana uu awood u leeyahay inuu qabto shaqooyin kala duwan:- “Wuu ka ciyaari karaa halkaas, Hore ayuu uga soo ciyaaray, shaki kuma jiro,” ayuu yiri Carrick.

Tababaraha ayaa intaas ku daray in Dorgu uu yahay ciyaaryahan da’yar oo leh awood iyo tayo badan, isla markaana kooxda ay dooneyso inay ka faa’iideysato awooddiisa meelo kala duwan, Manchester United ayaa xagaagan isku dayday inay xoojiso booska daafaca bidix, waxaana lala xiriiriyay Alejandro Balde oo Barcelona ka tirsan iyo Rayan Aït-Nouri oo Manchester City ah, balse labada heshiis midkoodna ma uusan dhicin.

Dhinaca kale, kooxda ayaa si weyn u xoojisay khadka dhexe, iyadoo ku bixisay qiyaastii £140 milyan, waxaana kooxda ku soo biiray Youri Tielemans, Carlos Baleba iyo Andrey Santos.

Manchester United waxay xagaagan ku guuldarreysatay inay hesho daafac bidix cusub, sidaas darteed Michael Carrick wuxuu hadda tixgelin karaa Patrick Dorgu inuu noqdo xal gudaha kooxda ah haddii Luke Shaw uu maqnaado ama booskaas loo baahdo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga