
Liverpool ayaa wadahadalo la yeelatay Florian Wirtz waxayna doonaysaa in xiddiga Bayer Leverkusen uu dhexda u ahaado shax isku xidhan xilli ciyaareedka dambe.
Reds ayaa kula biirtay kooxaha Bayern Munich iyo Manchester City tartanka loogu jiro saxiixa Wirtz, kaasoo lagu qiimeeyo 150 milyan oo euro.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa si aad ah loola xiriiriyay kooxda Bundesliga ka dhisan ee Bayern, kuwaasoo sida ay wax u socdaan aan dooneynin inay bixiyaan qiimaha Leverkusen.
Taasi waxay fursad u siisay Liverpool iyo City labadaba, iyadoo wadahadallo la yeeshay xiddiga habeenkii Salaasadii.
Wakiilo ka socda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay kula kulmeen Wirtz, 22, iyo waalidkii Blackpool ka hor inta aysan u safrin Manchester si ay ula kulmaan madaxda City.
Sidoo kale Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Frimpong kaas oo u ciyaara kooxda Leverkusen.
Shabakada Mirror ayaa soo bandhigtay shaxda ay Liverpool ku ciyaari karto hadii uu Slot helo xiddigaha uu doonayo xagaaga.
Be the first to comment