Shaxda Ay Man United Kaga Hor Iman Karto Chelsea.

Manchester United ayaa si weyn uga liidata dhanka difaaca kahor safarka ay toddobaadkan ugu baxayaan kooxda Chelsea ee horyaalka Premier League, iyadoo Leny Yoro uu hadda ku biiray liiska ciyaartoyda maqnaanaya.

Kooxda uu hoggaamiyo Michael Carrick ayaa u safri doonta Stamford Bridge habeenka Sabtida kulan muhiim ah oo dhamaadka xilli-ciyaareedka ah oo u dhexeeya kooxaha ku jira lixda sare, iyagoo wali aan haysan Harry Maguire, kaas oo helay ganaax hal kulan oo dheeraad ah oo ka yimid Football Association.

Daafaca xulka England ayaa la casaan baxay intii lagu jiray barbaraha 2-2 ee ay la galeen Bournemouth bishii hore kadib markii uu bixiyay rigoore qeybtii labaad, wuxuuna seegay guuldarradii lama filaanka ahayd ee 2-1 ee ay gurigooda kala kulmeen Leeds United Isniintii.

Maguire wali ma ciyaari doono kulanka Chelsea, kadib markii lagu daray ganaax kale sababo la xiriira hadallo uu u jeediyay garsooraha afraad kadib casaankii kaarka cas ee uu ka qaatay garoonka Vitality Stadium, taasoo keentay in lagu soo oogo dacwad anshax xumo ah.

Si ay xaaladdu uga sii darto dhinaca difaaca United, Lisandro Martinez ayaa sidoo kale kaarka cas qaatay kulankii Leeds kadib markii uu timaha ka jiiday weeraryahanka Dominic Calvert-Lewin — go’aan uu Carrick si caro leh ugu tilmaamay “mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee aan arkay”.

Martinez waxa uu qaadan doonaa ganaax saddex kulan ah, wuxuuna seegi doonaa kulamada ay la leeyihiin Chelsea, Brentford iyo Liverpool, iyadoo racfaankii ay United ka qaadatay go’aanka la diiday.

Dhaawaca Yoro, oo laga yaabo inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedka, ayaa ku qasbi doona Carrick inuu hal-abuur sameeyo marka uu xulanayo safkiisa.

Ciyaaryahanka 19-jirka ah Ayden Heaven ayaa hadda ah daafaca dhexe ee kaliya ee caafimaad qaba. Manuel Ugarte ayaa si ku meel gaar ah u galay difaaca kadib casaankii Martinez ee kulankii Leeds, waxaana laga yaabaa inuu halkaas sii joogo, iyadoo Luke Shaw sidoo kale yahay doorasho kale. Haddii Shaw la soo celiyo, Noussair Mazraoui ayaa booska geli kara.

Kobbie Mainoo ayaa seegay kulankii Leeds sababo la xiriira dhaawac yar, balse Carrick ayaa sheegay inuusan ahayn mid halis ah.

“Kobbie wuxuu sameynayaa tababaro yar yar, wuu ku sii socdaa, wax yar ayuu qabanayaa, marka go’aan ayaa la gaari doonaa,” ayuu Carrick yiri Jimcihii.

Weerarka, Amad Diallo, Bruno Fernandes iyo Matheus Cunha ayaa la filayaa inay mar kale bilaabaan, iyadoo Bryan Mbeumo laga yaabo inuu beddelo Benjamin Sesko booska weerarka.

Shaxda Ay Man United kaga hor tagi karto chelsea.

Lammens; Dalot, Shaw, Heaven, Mazraoui; Casemiro, Ugarte; Amad, Fernandes, Cunha; Mbeumo

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga