Shaxda Ay Liverpool Ku Ciyaari Karto Hadii Uu Xabi Alonso Badalo Klopp.

Jurgen Klopp ayaa ka tagaya Liverpool. Xabi Alonso ayaa ah shaqsiga ugu cadcad inuu bedelo. Sidee ayay Reds ku ciyaari doontaa hadii uu Xabi tababare u noqdo Kooxda.

Klopp ayaa ka yaabiyay kubbada cagta adduunka markii uu xaqiijiyay inuu ka tagayo booskiisa tababaraha Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa bilowday in ay raadiso badalkiisa Xabi oo ah Halyeey Liverpool ah ayaa ugu cad-cad in uu xidho kabaha Klopp ee Liverpool.

Shabakada footballtransfers ayaa soo bandhigtay sida ay noqon karto shaxda Liverpool hadii uu Xabi noqdo tababaraha cusub ee kooxda Liverpool.

Wararka ayaa sheegaya in ay Maamulka Liverpool Klopp siin doonaan lacag fiican oo uu ku galo suuqa kuna dhiso kooxda uu doonnayo in uu ku dagaal galo.

Shaxda ay footballtransfers soo saartay waxa ku jira 3 xiddig oo cusub oo ay laba ka mid ah u ciyaaraan kooxda Leverkusen.

Liverpool with Xabi Alonso's system - Premier League winners?

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga