Klopp Oo Go’aansaday Halka Uu Ka Shaqayn Doono Marka Uu Ka Tago Liverpool.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu doorbiday in uu tababare u noqdo kooxaha Real Madrid ama Barcelona halkii uu tababare u noqon lahaa xulka qaranka Germany.

56-sano jirkaan ayaa xagaagan iska casili doona xilka tababaranimo ee Liverpool, waxaana la filayaa inuu qaato 12 bilood oo nasasho ah ka hor inta uusan ku soo laaban ciyaarta, waxaana jiray hadal heyn badan oo ku aadan kooxda uu u dhaqaaqi doono.

Warar si weyn loo hadal hayo ayaa sheegaya in Klopp uu qorsheynayo inuu qabto shaqada qaranka Jarmalka, laakiin sida laga soo xigtay Football Insider, isagu haatan ma xiiseynayo booskaas.

Klopp ayaa la sheegay in uu cabsi ka qabo in dalkiisa uu ku guulaysto tartamada mustaqbalka dhow, wuxuuna taa beddelkeeda qorsheynayaa inuu dib ugu soo laabto maamulka horyaalka La Liga ee Real Madrid ama Barcelona midkood.

Tababaraha reer Germany waxa uu xirfadiisa tababaranimo ka bilaabay Mainz 08 sanadkii 2001,waxa uu kooxda la qaatay todobo sano ka hor intii aanu u wareegin Borussia Dortmund.

Klopp ayaa todobo sano oo kale ku qaatay Dortmund, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo Bundesliga ah, German Cup halka uu geeyay final-ka champions League 2012/2013.

Waxa uu sidoo kale ku riyaaqay guulo waa weyn Liverpool, isagoo kula guuleystay Premier League, FA Cup, EFL Cup, Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga