Weeraryahankii hore ee Argentina, Sergio Aguero, ayaa saadaaliyay in Manchester City ay dib u hanan doonto horyaalka Premier League.
Aguero ayaa sidaas sheegay ka hor xilli ciyaareedka cusub xilli uu la hadlayay Stake.
Guusha afarta sano ee City waxaa soo afjaray xilli ciyaareedkii hore Liverpool Oo ku guulaystay horyaalka premier league.
Wiilasha Pep Guardiola ayaa ku dhameystay kaalinta seddexaad, iyagoo 13 dhibcood ka hooseeya Reds.
City ayaa tan iyo markaas keentay Tijjani Reijnders, Rayan Ait-Nouri, Rayan Cherki, James Trafford iyo Sverre Nypan oo ay ku soo iibsadeen lacag dhan 150 milyan oo gini.
Markii la weydiiyay kooxda ku guuleysan doonta horyaalka, Aguero wuxuu yiri: “Manchester City.”
Isagoo lagu cadaadiyay saadaasha afarta sare, wuxuu ku daray: “Ma ahan sida ay u kala horreeyaan, waxaan qabaa Man City, Liverpool, Arsenal iyo Chelsea.”
Be the first to comment