
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sabtidii loo doortay xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.
Xiddiga reer Masar ayaa dhaliyay 28 gool waxana uu sidoo kale caawiye ka noqday 18 gool iyada oo Reds ay qaaday koobkeedii 2-aad.
Salah ayaa noqday ciyaaryahankii shanaad ee labo jeer ku guuleysta isagoo sidoo kale qaatay abaalmarinta xilli ciyaareedkii 2017-18.
32-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ku guuleysto kabaha dahabka ah ee kale, maadaama uu shan gool ka badan yahay xiddiga Newcastle United Alexander Isak ka hor maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka.
Ma jiro ciyaaryahan diiwaan gashaday 46 gool oo uu ku lug lahaa 38-kulan ka hor. Salah ayaa laga yaabaa inuu sii wado inuu jabiyo rikoorka 47 ee Alan Shearer iyo Andrew Cole, marka Liverpool ay Anfield ku soo dhaweyso Crystal Palace.
Be the first to comment