Chelsea Iyo Man United Oo Lagu Garaacay Saxiixa Victor Osimhen

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa qarka u saaran inay waayaan saxiixa Victor Osimhen iyadoo weeraryahanka uu ogolaaday inuu u dhaqaaqo Al-Hilal, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Saudi Arabia.

Kadib markii uu ku guul daraystay in uu ku biiro kooxda chelsea dhamaadkii suuqii xagaaga ee la soo dhaafay Osimhen waxa uu si amaah ah ugu biiray kooxda Galatasaray isaga oo kaga soo biiray Napoli xilli ciyaareed guulo ah oo uu ku soo qaatay dalka Turkiga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa dhaliyay 36 gool 40 kulan oo uu saftay, waxaana uu Galatasaray ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka Turkiga.

John Obi Mikel, oo isku dayay inuu dallaal u galo Osimhen u dhaqaaqista Chelsea sannadkii hore, ayaa ku adkeysanaya in weeraryahanka uu weli doonayo inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Sacuudiga ka soo baxa ee Al-Riyadh ayaa sheegay in Osimhen uu haatan ogolaaday heshiis saddex sano ah oo uu ugu biirayo Al-Hilal.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Saudi Pro League ay dooneyso inay Osimhen ku darto kooxdeeda ka hor koobka kooxaha adduunka kaasoo bilaaban doona bisha soo socota, waxaana ay diyaar u yihiin inay bixiyaan 75 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga