Sababta Dhabta Ah Ee Erling Haaland Uu Uga Maqnaaday Ciyaarta Luton Town Oo La Ogaaday

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay, Erling Haaland qayb kama aha ciyaarta horyaalka Premier League ee ay kooxdiisu martida u tahay Luton Town, waxaana hadda si dhab ah loo ogaaday sababta uu uga maqnaaday kulankan.

Haaland oo toddobaadkii hore ka badbaaday in lagu ganaaxo gadood uu ka sameeyey ciyaartii Tottenham ay barbarraha la galeen, ayaa waxa booskiisa buuxiyey Julian Alvarez oo weerarka ugu soo bilowday City.

Manchester City oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League aan wax guul ah helin, isla markaana saddex barbarro gashay, marna laga badiyey ayaa waxa ay si weyn ugu baahnaayeen adeegga laacibkan oo 14 gool u dhaliyey 15 ciyaarood oo uu u saftay, laakiin kulamadii Tottenham iyo Aston Villa aan wax gool ah dhalin.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay sheegtay, in Erling Haaland uu dhaawacan yahay oo ay dhibaato ka haysato muruqa oo toddobaadyadii ugu dambeeyeyba uu ciyaarayay isaga oo dhaawac ah, sidaas daraadeedna uu awoodi waayey inuu taam u noqdo kulankan.

Warka ayaa intaa ku daray, in Erling Haaland uu sidoo kale ka maqnaan doono ciyaarta Champions League ee Red Star ee Arbacada iyo waliba kulanka Crystal Palace ee horyaalka Premier League ee toddobaadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga