Bruno Fernandes Oo Si Toos Ah Farta Ugu Fiiqay Dhibaatada Ugu Weyn Ee Haysata Manchester United

Kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes  ayaa magacaabay dhibaatada ugu weyn ee haysata naadigiisa Red Devils, kaddib markii Sabtidii ay Bournemouth 3-0 ku xasuuqday iyadoo waliba marti ugu ahayd garoonka Old Trafford.

Manchester United oo xilli-ciyaareedkan oo dhan ku dhibaatoonaysa garoomada, isla markaana la’ qaab-ciyaareed fiican, ayaa waxa guul-darradii Bournemouth ay ahayd middii lixaad ee xilli-ciyaareedkan soo gaadha.

Dominik Solanke ayaa daqiiqaddii shanaad ku aftaxay gool cidhib uu kaga dhaliyey, iyadoo Phillip Billing iyo Marcos Senesi ay ku dareen labada gool ee kale.

Bournemouth ayay u ahayd markii koowaad ee ay guul kasoo gaadho Old Trafford, halka Manchester United loo diiwaangeliyey rikoodh murugo leh oo ah in sannadkan aynu ku jirno ee 2023 laga badiyey 18 jeer, waxaana ugu dambaysay guul-darrooyin intaas le’eg oo sannad gudihii loo xambaariyo 1989kii.

Bruno Fernandes oo kaadh digniin ah qaatay ayaa waxa uu ganaax kaga maqnaan doonaa kulanka Liverpool ee Axadda ee horyaalka Premier League ee ay booqashada ku tegayaan Anfield, waxaana uu sharraxay dhibaatada ugu weyn ee haysata kooxdiisa, isaga oo yidhi: “Waxyaabo badan ayaanu la’nahay, waana sababta aanu maanta [shalay] u weynay natiijo.

“Wax walba way ka hooseeyeen heerka ciyaartii hore, waana sababta marka aad la ciyaarayso koox sida Bournemouth ah aad ugu baahan tahay in aad noqotaan weerar iyo kuwa yeesha lugta hore, cadaadiska sameeya, kana fikira in ay wax walba fududaanayaan haddii aad samayso sidan oo kale.”

Intaas kaddib ayuu dul-istaagay dhibaatada haysata kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Waxa hooseeya hal-abuurkayaga, dhaqdhaqaaqa iyo in ciyaartoydu waqtigii saxda ahaa soo galaan xerada ganaaxa. Waxa aanu joogtayn kari la’nahay natiijooyinka oo qayb weyn ka ah kubadda cagta.

“Waxa muhiim ah in la joogteeyo ciyaarta, dhibaatadayada ugu weynna waa taas.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga