Pochettino Oo Afar Isbeddel Ku Sameeyey Safkii Guul-darrada Ka Keenay Old Trafford Iyo Xiddigaha Uu Kala Hor-tegay Everton

Thiago Silva iyo Raheem Sterling ayaa ka mid noqda afar isbeddel oo uu tababare Pochettino ku sameeyey xiddigihii guul-darrada ka keenay ciyaartii Manchester United, waxaana uu qirtay in kooxdiisu ay daallanayd kulankii Arbacadii ee United, sidaas daraadeedna uu isbeddellada u sameeyey.

Kabtanka Chelsea ee Reece James ayaa dib usoo laabtay kaddib hal ciyaar oo ganaax ah, iyadoo Marc Cucurella difaaca bidix kala baxay Levi Colwill oo kaydka u dhacay, taas oo ka dhigan in difaaca dhexe ay ka wada ciyaarayaan Thiago Silva iyo Benoit Badiashile.

Conor Gallagher oo soo dhamaystay ganaax ayaa khadka dhexe kusoo bilowday, waxaana ku wehelinaya Moises Caicedo iyo Enzo Fernandes, halka weerarka ay Armando Broja dhinacyada ka xigaan Raheem Sterling iyo Cole Palmer iyadoo kaydka la dhigay Nicolas Jackson.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Chelsea XI: Sanchez; James, Disasi, Badiashile, Cucurella; Caicedo, Fernandez; Palmer, Gallagher, Mudryk; Broja.

Kaydka: Petrovic, Silva, Sterling, Jackson, Colwill, Maatsen, Gilchrist, Matos, Castledine.

Everton XI: Pickford; Young, Tarkowski, Branthwaite, Mykolenko; Harrison, Garner, Gueye, McNeil; Doucoure; Calvert-Lewin.

Kaydka: Virginia, Patterson, Onana, Danjuma, Beto, Godfrey, Chermiti, Hunt, Dobbin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga