Sababta Ay Man United Uga Meer-Meeraysanayso Shaqo Ka Caydhinta Ten Hag Oo La Ogaaday.

Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay bixiso lacag magdhw ah oo ka badan tii hore loo qorsheeyay haddii ay shaqada ka cayrinayaan Erik ten Hag sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka Ten Hag ayaa su’aal la geliyay intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023/24 ee sida weyn niyad jabka ahaa ee Red Devils ay ku dhameysatay kaalinta sideedaad.

Laakiin ka dib markii uu United ku hogaamiyay guushii lama filaanka ahayd ee finalka FA Cupka oo ay sabtidii ka qaadeen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City, xamaasad ayaa sii kordhaysa suurtogalnimada uu Ten Hag sii joogo, inkasta oo ay soo baxeen warar ku saabsan mustaqbalkiisa mar hore la go’aamiyay.

The Times ayaa haatan warineysa in hadii United ay ku dhaqaaqdo qorshaha ay ku caydhinayso Ten Hag ay ku qasbanaan doonto in ay bixiso lacag ka badan midii hore loo qorsheeyay sabab la xidhiidha ku guulaysiga FA Cup-ka.

United ayaa qiimo jaban ku cayrsan lahayd hadii ay guuldaro kala kulmi lahayd City, sababa la xidhiidha qodob ka mid ah heshiiskiisa oo la xidhiidha ka qayb galka Yurub, laakiin ku guulaysiga koobka ayaa u horseeday in ay u soo baxaan Europa League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga