Saadaasha Chris Sutton Ee Kulamada Usbuuc-dhamaadkan Ee Premier League – Muxuu Ka Yidhi Man United vs Chelsea & Aston Villa vs Man City?

Aston Villa oo guuleysatay dhamaan 13kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ee ay garoonkeeda ku ciyaarto, ayaa waxa ay Arbacada Villa Park ku qaabbili doontaa Manchester City, iyadoo raadinaysa in markii 14aad oo xidhiidh ah ay hoygeeda guul ku keento, laakiin su’aashu waxay tahay ma awoodi kartaa in ay garaacdo City oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey barbarro soo gashay?

Khabiirka BBC Sports ee Chris Sutton ayaa saadaaliyey natiijada ciyaartan iyo kulamada kale ee usbuuc-dhamaadkan ee horyaalka Premier League, waxaana isaga oo si gaar ah u eegaya kulanka Aston Villa Man City uu yidhi: “Villa waxay gashaa xaalad ka duwan marka ay ku ciyaarayso garoonkeeda, laakiin waxay ila tahay in City aanay daaqadda ka tuuri karayn. Ciyaartii Tottenham ee Axaddi, City waxay ka liidatay difaaca laakiin weerarkeedu halis badan ayuu leeyahay.”

Chis Sutton waxa uu guushii koowaad ee afar ciyaarood oo Premier League ah siiyey Manchester City, sidoo kalena waxa uu caawa saddex dhibcood ugu sii bushaareeyey Arsenal oo waqti dambe marti u noqon doonta Luton Town.

Kaalinta labaad ee horyaalka ayaase waxa sii haysan doonta Liverpool oo uu khabiirku sheegay inay si fudud usoo khaarajin doonto Sheffield United, sidoo kalena waxa guulo heli doona Tottenham oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan wax guul ah arag oo saddex laga badiyey, marna barbarraysay, halka Necastle United ay sii wadan doonto bandhigga fiican.

Laakiin natiijada ugu weyn ee la sugayo usbuucan waa Manchester United iyo Chelsea oo Arbacada ku ballansan garoonka Old Trafford, waxaana uu Sutton sheegay in Red Devils ay kusii jiri doonto murugada oo ay guul-darro kale soo hoyn doonto.

Saadaasha Chris Sutton ee kulamada 14aad ee Premier League

Salaasa

Wolves 2-0 Burnley

Luton 0-2 Arsenal

Arbacada

Brighton 2-2 Brentford

Crystal Palace 1-0 Bournemouth

Fulham 1-1 Nottingham Forest

Sheffield United 0-3 Liverpool

Aston Villa 1-2 Man City

Man United 1-2 Chelsea

Khamiista

Everton 1-2 Newcastle

Tottenham 3-2 West Ham

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga