Nemanja Matic Oo Daboolka Ka Qaaday Habsankii Sancho Iyo Pogba Ee Ka Cadhaysiin Jiray Ciyaartoyda Manchester United

Paul Pogba iyo Jadon Sancho waxa mar walba ay ka cadhaysiin jireen ciyaartoyda Manchester United sababtoo ah waqti dambe ayay iman jireen tababarka oo ay mar walba kasoo habsaami jireen, sida uu sheegay xiddiga khadka dhexe ee reer Serbia ee Nemanja Matic.

35 jirkan oo hadda u ciyaara kooxda Roma oo muddo shan sannadood ah usoo ciyaaray Manchester United oo uu ka tegay sannadkii 2022 kaddib 189 kulan oo uu Red Devils u saftay, waxa uu goob-joog u ahaa ciyaartoyda Man United oo dhibsanaysa habsanka Pogba iyo Sancho.

Xiddiga reer France ee Paul Pogba oo 30 jir ah oo sannadkii 2016 ay Manchester United kusoo iibsatay lacagtii ugu qaalisanayd ee ciyaartoy lagu iibsado dunida waqtigaas oo ahayd £89 milyan oo Gini, ayaa waxa uu si xor ah uga tegay Old Trafford sannadkii 2022 oo uu si xor ah ugu laabtay kooxdiisii hore ee Juventus.

Laakiin Jadon Sancho oo kusii sugan Old Trafford ayaa awoodi waayey in uu wax saamayn ah ku yeeso kooxdiisa oo sannadkii 2021 kaga soo iibsatay Borussia Dortmund lacag dhan £73 milyan oo Gini, waxaana uu kooxda ka noqday dibed joog kaddib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag oo warbaahinta ka hor sheegay in aanu tababarka si fiican u qaadanin.

Si kastaba, Nemanja Matic ayaa goob joog usoo ahaa labadan ciyaartoy iyo wixii ay ka samayn jireen Old Trafford sannadkii ugu dambeeyey ee tababare Ole Gunnar Solskjer iyo lixdii bilood ee ku-meelgaadhka uu ahaa Ralf Rangnick, ayaa bannaanka keenay hab-dhaqankii Paul Pogba iyo Jadon Sancho.

Matic oo laba horyaal oo Premier League ah kula guuleystay kooxdiisii hore ee Chelsea, ka hor intii aanu tegin Man United ayaa yidhi: “Markii aan joogay Chelsea, ciyaartoydu waxay u dhaqmi jireen si xirfadlenimo ah.

“Waxay ahaayeen kuwo joogto ah oo aan marnaba ka habsaamin tababarka, laakiin Manchester United maalin walba habsan ayaa jiray. Ciyaartoyda habsaami jiray ee mar walba waqtiga dambe tababarka iman jiray waxa ka mid ahaa Paul Pogba iyo Jadon Sancho iyo dhawr kale.

“Intayada kale, waxa aanu ku iman jirnay waqtiga lanoo qabto, waxaase naga chaysiin jiray kuwa habsaamaya, sidaa daraadeed ayaanu samaysanay guddi anshax oo aniga madaxweyne la iiga dhigay.

“Waxa aan gidaarka/derbiga u dhajiyey waraaq aan ku qoro waqtiga ugu dambeeya ee uu qof walba yimaaddo tababarka. Hal xilli-ciyaareed gudaheed, waxa aanu ururinay £75,000 Gini oo ah lacagihii aanu ku ganaaxnay ciyaartoyda habsaantay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga