DEG-DEG: Manchester City Oo La Ganaaxay

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax kusoo rogay kooxda kubadda cagta Manchester City, kaddib falkii ay ku kaceen ciyaartoydeedu kulankii barbarraha 3-3 ay la galeen Tottenham Axaddi.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu seegay, in Manchester City lagu riday ganaax la xidhiidha anshax xumo ay ciyaartoydeedu ku kaceen kulankii Etihad Stadium ee Tottenham, isla markaana ay ku fashilantay kooxdu inay maamusho ciyaartoydeeda.

Manchester City ayaa la filayaa in ganaax lacageed oo shan god ah lagu rido, iyadoo garsoore Simon Hooper oo ay ku cadhoodeen dhamaadkii markii uu joojiyey kubbad uu Haaland u dhiibay Grealish ay u arkeen fursad laga joojiyey.

Erling Haaland ayaa waxa qalad ku galay difaaca Brazil iyo Tottenham ee Emerson Royal, balse weeraryahanka reer Norway ayaa hore u kacay oo kubadda sii watay, una tuuray Jack Grealish, balse garsoore Simon Hooper ayaa go’aansaday inuu laad xor ah siiyo City.

Isla markiiba waxa garsooraha kusoo ururay Erling Haaland oo cadhaysan, aadna u qaylinaya, Ruben Dias, Mateo Kovacic iyo goolhaye Ederson oo meel fog kasoo orday, isla markaana qayb ka noqday hareeraynta garsooraha.

Xidhiidhka FA waxa uu sheegay, in Manchester Ctiy ay jabisay qodobka FA Cule E20.1 oo mamnuuc ka dhigaya, in ciyaartoydu ay isku hareereeyaan garsooraha ciyaarta, waxaana uu ganaaxu noqon doonaa mid lacageed.

Dhinaca kale, Erling Haaland oo baraha bulshada ku aflagaaddeeyey garsoore Simon Hooper kaddib ciyaarta, ayaa ka badbaaday in la ganaaxo, waxaana uu xor u yahay inuu ciyaaro kulanka Arbacada ay kooxdiisu martida u noqonayso Aston Villa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga