Michael Carrick oo kudhawaaqay goorta Carlos Baleba usafan doono Manchester United ?

Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa rajo ka muujiyay in saxiixa cusub ee kooxda, Carlos Baleba, uu kulankiisii ugu horreeyay u ciyaari karo Manchester United ka hor inta aan la gaarin fasaxa xulalka ee bisha September.

Manchester United ayaa toddobaadkan si rasmi ah ula soo wareegtay Baleba oo 22 jir ah, kaasoo kooxda uga yimid Brighton & Hove Albion heshiis lagu sheegay £65 milyan, si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Cameroon ayaa haatan la tacaalaya dhaawac canqowga ah oo uu ka soo gaaray xilli-ciyaareedkii diyaar-garowga ee Brighton.

Carrick ayaa sheegay in Baleba laga yaabo inuu maqnaado laba ilaa saddex toddobaad, inkastoo uusan dhaawaca u arkin mid halis ah,  tababaraha ayaa sidoo kale sheegay in kooxda aysan doonayn inay ciyaaryahanka ku cadaadiso waqti cayiman, balse ay rajaynayaan inuu dib ugu soo laabto garoomada ka hor fasaxa xulalka.

“Waxa uu qabaa dhaawac yar oo canqowga ah, Waxaa laga yaabaa inuu maqnaado laba toddobaad ama saddex toddobaad, waan arki doonaa, Laakiin arrintaas waan ogayn ka hor inta uusan kooxda kusoo biirin, sidaas darteed ma ahan wax weyn,” ayuu yiri Carrick.

Manchester United waxay kulankeeda ugu dambeeya ka hor fasaxa xulalka la ciyaari doontaa Fulham 20-ka September. Haddii Baleba uu si wanaagsan uga soo kabsado dhaawaca, waxaa suuragal ah in kulamada ka horreeya fasaxa uu helo fursaddii ugu horreysay ee uu ku xirto funaanadda Manchester United.

Dhanka kale, Amad Diallo ayaa sidoo kale wali dhaawac qaba, waxaana la xaqiijiyay inuusan diyaar u noqon doonin kulanka Axadda ee Ipswich Town, Amad ayaa dhaawac kasoo gaaray tababarka, waxaana Carrick uu sheegay in garabka reer Ivory Coast uu maqnaan doono muddo wax yar ka dheer.

War wanaagsan ayaa dhinaca kale kasoo baxay Mason Mount, kaasoo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda toddobaadkan, Mount ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli-ciyaareedka iyo kulankii furitaanka ee Hull City, balse hadda wuxuu diyaar u yahay inuu kamid noqdo kooxda Manchester United ee wajahaysa Ipswich.

Carrick ayaa sheegay in soo laabashada Mount ay tahay arrin wanaagsan oo kooxda u soo kordhay, iyadoo United ay isku dayayso inay hagaajiso xaaladdeeda kadib guuldarradii lama filaanka ahayd ee ay kala kulantay Hull City.

Manchester United ayaa Axadda Old Trafford ku qaabilaysa Ipswich Town, iyadoo taageerayaasha kooxda ay si gaar ah u sugayaan goorta uu Carlos Baleba diyaar u noqon doono kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga