Robert Lewandowski Oo Barcelona Xasuusiyay Lionel Messi Kulankii Napoli, Muxuu Sameeyay?

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii champions League isaga oo gool ka dhaliyay kooxda Napoli.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa furay goolasha kooxdiisa wareega 16-ka champions League isaga oo taageerayaasha Barcelona xasuusiyay Halyeeyga kooxda ee Lionel Messi.

Robert Lewandowski ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee ay Barcelona ka dhalisay wareega bug baxa ee champions League tan ilaa Lionel Messi.

Markii ugu dambaysay ee ay Barcelona gool ka dhaliso wareega Bug baxa tartanka champions League waxa ay ahayd March 2021 isaga oo ka dhaliyay PSG.

Sidoo kale Lewandowski ayaa soo afjaray 7 kulan oo uuna wax gool ah dhalin champions League tan ilaa November 2021 isaga oo markaas ka dhaliyay Dynamo Kiev.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga