Klopp Oo Sheegay Wixii Uu U Sheegay Kooxdiisa Qaybtii Nasashada Ee Ka Caawiyay Guushii Ay Ka Gaadheen Luton.

Liverpool ayaa guul soo laabasho ah oo aad u fiican ka soo gaadhay Luton.

Reds ayaa 1/0 ku dambaysay qaybtii nasashada ee ciyaarta laakiin qaybta dambe ayay dhinaca kale u rogeen.

Xiddigaha Virgil van Dijk, Cody Gakpo, Luis Diaz iyo Harvey Elliott ayaa dhamaadkii ciyaarta ka dhigay 4-1.

“Waxaan u sheegay kooxdeyda dhowr bilood ka hor inaanan marnaba tusaale u soo qaadan doonin kulanka Barcelona, ​​laakiin caawa balantii waan ka baxay…” ayuu yiri Jurgen Klopp ciyaarta ka dib.

“Qaab ahaan waxba maan badlin, Waxaan waydiistay wiilasha inay rumaystaan waxaan aragnay xilli ciyaareedkan, waxa aan u sheegnay wiilasha in ay is dajiyaan si aan u dhamaystirno fursadaha”.

“Tani waa tusaale, tani waa Barcelona sababta oo ah waxa jirta sababo badan oo aanan isku dhiibin”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga