Liverpool Oo Jabisay Rikoodh Cajiib Ah Oo 128 Sano Ah Kadib Guushii Luton, Ma Jirto Koox Jabin Karta Muddo Dheer.

Kooxda Liverpool ayaa jabisay rikoor muddo dheer soo jiray intii lagu jiray guushii soo laabashada ahayd ee ay ka gaadheen Luton Town.

Habeenimadii Arbacada, wiilasha Jurgen Klopp ayaa Luton ku soo dhaweeyay Anfield iyagoo raadinaya inay sii dheeraystaan ​​hogaanka Premier League oo ay ku hayaan afar dhibcood.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool waxaa ka naxsaday Chiedozie Ogbene daqiiqadii 12aad kadib markii uu ka dhaliyay gool lama filaan ah.

Qaybtii dambe, Liverpool ayaa waji cusub la soo gashay iyada oo ay goolal u dhaliyeen xiddigaha Virgil van Dijk, Cody Gakpo, Luis Diaz & Harvey Elliott iyaga oo ku badiyay 4/1.

Diaz ayaa noqday ciyaaryahankii shanaad ee Liverpool ka ciyaara ee u dhaliya 10 gool iyo wax ka badan markii uu dhaliyay goolkii 3-aad ee kooxdiisa waana rikoodh yaalay 128 Sano.

Sida laga soo xigtay Opta Luis Díaz waa ciyaaryahankii shanaad ee 10+ gool u dhaliya Liverpool xilli ciyaareedkan, ka dib Salah (19), Jota (14), Núñez (13), iyo Gakpo (11) – waana kulankii 39aad ee Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga