Rio Ferdinand: Wiilal Iyo Ragg Ayaa Wada Ciyaaray Kulankii Arsenal Iyo Chelsea.

Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa wiilal ku tilmaamay kooxda chelsea kadib guuldaradii Emirates.

Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay Arsenla kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League.

Gunners ayaa 5/0 ku xasuuqday chelsea kulan dhinac kaliya ahaa oo ay Arsenal u awood sheegatay kooxda chelsea.

Ciyaarta kadib ayuu Rio Ferdinand Ka hadlay guuldaradii chelsea ka soo gaadhay kooxda Arsenal.

“Chelsea uma qalmin in ay wax kala baxdo kulanka, wax walba waa looga fiicnaa”ayuu Rio Ferdinand yidhi.

“Kulanka waxa aad mooday in ay wada ciyaarayeen wiilal iyo Ragg, run ahaantii waa la bur-buriyay chelsea”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga