Maxay Arsenal U Baahantahay Si Ay Ugu Guulaysato Horyaalka Kadib Guushii Chelsea.

Kooxda Arsenal ayaa sii dheeraystay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay garaacday Chelsea.

Gunners ayaa 5/0 ku xasuuqday kooxda Chelsea kulan ka dhacay Emirates kana tirsnaa horyaalka premier League.

Kooxda Mikel Arteta ayaa 3 dhibcood ka horaysa kooxda Liverpool halka ay 6 Dhibcood ka horayso Man City oo 2 kulan baaqi u yihiin.

Kooxda Arsenal ayaa u baahan in ay Man City iyo Liverpool dhibco lumiyaan kulamada soo socda isla markaas iyaguna badiyaan kulamada u dhiman horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa xusid mudan in ay Arsenal ku raad joogto horyaalkeedii ugu horeeyay muddo aad u dheer.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga