Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in ay jiraan kaliya saddex tababare oo diidi lahaa Man United si ay ugu biiraan Arsenal.
Ferdinand ayaa hadalkan sheegay isagoo uga digaya taageerayaasha Arsenal ee dalbanaya in la ceyriyo tababaraha Mikel Arteta, isagoo ku booriyay inay si fiican uga fiirsadaan waxa ay doonayaan.
“Aniga ahaan, haddii aan ahaan lahaa taageere Arsenal, aad baan uga fiirsan lahaa waxa aad rabtaan, haddii aad u malaynaysaan in Arteta la ceyriyo ay tahay waxa ugu fiican,” ayuu Ferdinand ku yiri kanaalkiisa YouTube.
“Waa inaad xasuusataan halka aad joogteen markii uu yimid. Hadda si joogto ah ayaad ugu soo baxdaan UEFA Champions League, taas oo aan hore u dhici jirin ka hor Arteta. Inta badan waxaad ku dhammaysataan kaalinta labaad, waxaadna u dagaallantaan horyaalka Premier League sanad kasta.
“Waa run, waa inaad koobka qaaddaan, waan ogahay, laakiin ma waxaad u malaynaysaan in tababare kale uu ka fiican yahay? Yaa yahay tababarahaas kale?
“Isaga (Luis Enrique) ma iman doono Arsenal. Wuxuu ka tagayaa kooxda ugu fiican dunida si uu ugu biiro Arsenal – ma waalan tihiin?
“Tababare kasta marka laga reebo Thierry Henry, Patrick Vieira ama Cesc Fabregas, wuxuu dooran lahaa Man United halkii uu ka dooran lahaa Arsenal.”
Be the first to comment