RIKOOR TAARIIKHI AH :- Leo Messi oo gaaray Rikoor aan caadi aheyn , Leo oo dunida ku yiri Age is number

Lionel Messi ayaa mar kale taariikh cusub ka sameeyay kubadda cagta, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsaha badnaa taariikhda MLS ee kooxdiisa ku gaaray 100 gool dhammaan tartamada, Messi ayaa 100  gool ku gaaray isagoo u ciyaaray Inter Miami 114 kulan, waxaana guud ahaan uu kooxda u sameeyay 155 gool iyo caawin (G/A), kuwaas oo ka kooban 100 gool iyo 55 caawin.

Goolkiisa 100-aad ee Inter Miami wuxuu yimid kulan muhiim ah oo ka tirsanaa final-ka Campeones Cup, halkaas oo Messi uu shabaqa ku taabtay madax qurux badan oo uu ka dhaliyay Cruz Azul.

Guushan ayaa sidoo kale Messi ku sii adkaynaysa rikoodh kale oo gaar ah, maadaama uu weli haysto rikoodhka ciyaaryahanka ugu badan ee goolasha ka dhaliyay finalada, isagoo finalada ka dhaliyay 36 gool.

Intaas waxaa dheer, goolkan ayaa Messi gaarsiiyay 929 gool oo uu ka dhaliyay xirfaddiisa ciyaareed, isagoo sii wada inuu dhigo rikoodho cusub xilli uu weli ku jiro heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga