Real Madrid Oo Taariikh Cusub Ka Samaysay Tartanka Champions League Kaddib Guushii Ay Kasoo Gaadhay Union Berlin

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa boqotay naadiga kaliya ee wareegga Group-yada tartanka Champions League kasoo gudba isaga oo wada-guuleystay dhamaan kulamadii uu ciyaaray, waxaanay kusoo xidheen 18 dhibcood iyo rikoodh guulo ah, kaddib markii ay 3-2 kusoo garaaceen Union Berlin oo ay ku booqdeen waddanka Germany.

Laba gool oo uu qaybtii labaad dhaliyey Joselu Mata, iyo mid uu ku daray Dani Ceballos dhamaadkii ciyaarta ayaa Real Madrid siiyey guusha ay kasoo gaadheen Union Berlin, iyadoo sidoo kalena uu rikoodhe khasaariyey Luma Modric qaybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaartan oo uu tababare Carlo Ancelotti kusoo bilaabay shax adag, xilli la filayay inuu nasiyo ciyaartoydiisa muhiimka ah ayaa waxa 45kii daqiiqadood ee hore ay Los Blancos ku ahaayeen kuwo adag oo ay jabin kari waayeen derbiga difaaca kooxda garoonkeeda joogtay.

Inkasta oo ay ciayarta maamulayeen, haddana waxa waqtiga nasashada loogu baxay iyadoo Union Berlin haysata gool uu waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore uu goo ud ahlieyy Volland oo ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey David Alaba oo kubadda isku dhiibay.

Luka Modric ayaa uu ahaa ciyaartoyga helay fursadda uu ciyaarta ku dili karayay qaybta horeba, waxaana daqiiqaddii 45aad uu lumiyey rikoodhe uu ku toogtay badhtamaha goolka balse lugta kaga soo dhacday goolhaye Ranow oo dhinaca midig isku tuuray.

Joselu Mata ayaa Real Madrid u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 61aad, markaas oo uu dyhamaystiray kubbad uu ka helay Rodrygo oo isaguna fursado badan iska khasaariyey.

Los Blancos intaas kuma aanay qancin, waxaase ay dedaal badan samaysay qaybta labaad iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu sameeyey isbeddello oo uu keenay Toni Kroos oo qaybta hore kaydka fadhiyey.

Daqiiqaddii 85aad ayay Union Berlin keentay gool labaad oo ay ciyaarta ka dhigtay barbarro 2-2 ah,  arkaas oo uu Laidouni kubbad ka boobay Rodrygo oo uu usii gudbiyey Alex Kral oo darbad xooggan ku dhamaaystiray.

Dani Ceballos oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa Real Madrid u dhaliyey goolka saddexaad ee guusha siiyey daqiiqaddii 89aad.

Real Madrid ayaa waxay kusoo gudubtay 18 dhibcood iyo lix guulood, waana kooxda kaliya soo badisay dhamaan kulamadii ciyaartay tartanka Champions League.

Kaalinta labaad ee Group C waxa kusoo gudubtay Napoli oo 2-0 iskaga reebtay Sporting Braga oo rajo ka qabtay inay soo gudbi doonto haddii ay 2-0 kaga adkaato Napoli.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga