AKHRISO: 14ka Kooxood Ee Usoo Gudbtay Wareegga 16ka Champions League Iyo Kuwa La Sugayo

Wareegga Group-yada tartanka Champions League ayaa afar ka mid ah lasoo gabogabeeyey, waxaana la sugayaa afarta kale oo Arbacada soo dhamaan doona, kuwaas oo haddaba lasii ogyahay in laba ka mid ah kooxaha ku jira ay soo gudbeen.

14 kooxood oo soo gudbay ayaa sugaya isku-aadka la samaynayo badhtamaha bishan, balse waxa naadiyadan qaarkood ay sugayaan in loo xaqiijiyo kaalinta ay kaga soo baxeen hormooyinkooda oo aan wali kala caddaanin.

Bayern Munich, Arsenal, Real Madrid, Manchester City iyo Real Sociedad ayaa mar horeba soo gudbay oo diyaarinaya wufuuddooda iyaga oo waliba hormooyinkooda kaga soo baxay kaalmaha koowaad, halka kooxo ay ugu magacweyn yihiin Manchester United iyo Sevilla ay tartanka ka hadheen, isla markaana xataa seegeen Europa League

Hormooyinka A, B, C iyo D ayaa si rasmi ah loosoo gabogabeeyey oo ay kooxuhu ku kala baxeen, waxaana kasoo baxay min laba kooxood, halka naadiyada Arbacada ciyaarayana ay mar horeba soo gudbeen lix ka mid ah, taas oo ka dhigan in laba kooxood oo kali ah la sugayo inay dhamaystiraan wareegga 16ka Champions League.

Saddexa kooxood ee ku wada jira Group F ee AC Milan, Newcastle iyo PSG ayaa ay midkood soo gudbi doontaa, iyadoo Borussia Dortmund oo kula jirta hormadan ay soo gudubtay, balse ay u dagaallamayso kaalinta koowaad marka ay PSG ku kulmaan Parc des Princes, halka FC Porto iyo Shakhtar Donetsk ay midkood Group G kala soo baxayso Barcelona oo mar hore soo gudubtay.

Waa kuwan kooxaha usoo gudbtay wareegga 16ka Champions League

🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Manchester City
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Arsenal
🇮🇹 Inter
🇮🇹 Lazio
🇮🇹 Napoli
🇪🇸 Real Sociedad
🇪🇸 Barcelona
🇪🇸 Real Madrid
🇪🇸 Atlético
🇩🇪 Bayern
🇩🇪 Borussia Dortmund
🇩🇪 RB Leipzig
🇩🇰 Copenhagen
🇳🇱 PSV
◉ AC Milan, Newcastle ama PSG
◉ FC Porto ama Shakhtar Donetsk

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga