Real Madrid Oo Ogaatay Ganaaxa Mbappe, Miyuu Seegayaa Kulanka Arsenal?

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in uu kaliya hal kulan ganaax ku seego kulamada kooxdiisa kadib kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Alaves ee horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa ka jawaabtay guushii ay Barcelona 1-0 ka ah ka gaadhay Leganes kadib markii ay guul dirqi ah ku gaadhay kulan ay axadii martida u ahayd kooxda Alaves.

Real Madrid ayaa 10 xiddig ku dhamaystay ciyaarta kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Mbappe daqiiqadii 38-aad.

Laacibka reer France ayaa qaatay casaankii ugu horeeyay ee xirfadiisa Real Madrid ka dib markii uu khalad ku galay xiddig Alaves ah.

Xiddiga Mbappe ayaa noqday weeraryahankii ugu horreeyay ee Real Madrid ah ee casaan la siiyo qeybtii hore ee ciyaarta horyaalka La Liga tan iyo Ruud van Nistelrooy 2008dii.

Sida laga soo xigtay COPE, Mbappe ayaa ka badbaaday in dusha laga saaro ganaax kulamo badan waxana kaliya dusha laga saaray hal kulan oo ganaax ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga