Real Madrid Oo Dib Usoo Ceshatay Hoggaanka Horyaalka LaLiga Oo Saacado Ka Maqnaa Xilli Diaz Iyo Rodrygo Ay Goolal Dhaliyeen

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo saacado kooban ay ka haysatay Girona, waxaanay Los Blancos 2-0 ku khaarajisay Girona oo ay ka tirsatay saddex dhibcood oo mar kale ku fadhiisiyey figta ugu sarraysa.

Real Madrid ayaa laba gool iyo saddex dhibcood ku darsatay diiwaankeeda, iyadoo garoonka Santiago Bernabeu kala baxday shabaqeeda oo nadiif ah.

Brahim Diaz iyo Rodrygo Goes ayaa min hal gool dhaliyey labadii qaybood ee ciyaarta, sidaasna libinta ugu go’aamiyey kooxda tababare Carlo Ancelotti oo farqiga goolasha kaga sarraysa Girona oo ay isku dhibco yihiin.

Real Madrid oo si xooggan ku bilaabatay ciyaarta ayaa uu nasiibku diiday Jude Bellingham oo fursad dahabi ah helay, isla markaana kubbad uu goolka kula baxay dhinaca ka dhigay goolhayaha laakiin nasiib-darro ay kubaddiisu dhinaca ka martay birta oo waxyar u jirtay.

Daqiiqaddii 26aad ayay Real Madrid u dabbaal-degtay goolka koowaad oo uu shabaqa ku hubsaday Brahim Diaz oo si xarrago leh oo aanay cabsi ku jirin u dhamaystiray kubbad uu usoo dhiibay Toni Kroos oo uu ula tegay goolhayaha Granada.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee qaybta hore ka dhashay garoonka, laakiin waxa fursad qaali ahayd ka khasaariyey Real Madrid Rodrygo oo ku dhowaaday inuu hoggaanka usii dheereeyo kooxdiisa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay laba daqiiqadood ayuu Rodrygo kubbad u dhiibay Brahim Diaz oo isaguna laad xooggan ku toogtay, balse waxa uu ku beegay Ferreira.

Rodrygo ayaa usii dheereeyey hoggaanka Real Madrid daqiiqadii 57aad, markaas oo kubbad uu Jude Bellingham ku toogtay goolka uu soo dufay Ferreira, isla markaana uu meel cidlo ah ka helay Rodrygo oo ku qabtay kubbad awood badan oo uu indhaha u mariyey goolhayaha oo awoodi waayey in uu joojiyo.

Intaa wixii ka dambeeyey waxa is-dhiibtay Granada oo kaliya go’aansatay in ay shabaqeeda ilaashato, halka Real Madrid aanay joojinin weerarka.

Fede Valverde ayaa laga badbaadiyey kubbad uu Jude Bellingham goolka hortiisa u dhigay oo uu xiddiga reer Uruguay ku laaday lugta bidix, taas oo uu koorne u saaray.

Nico Paz oo beddel kusoo galay ayaa laba jeer tijaabiyey goolka oo uu ku toogtay darbado xooggan, isaga oo niyadda ku hayay in uu Napoli sidan oo kale uga dhaliyey gool.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Real Madrid ay haysto 38 dhibcood oo ay farqiga goolasha kaga horreyso Girona oo ay isku dhibco yihiin, halka Barcelona iyo Atletico Madrid oo labaad ku wada jira ay ka dambeeyaan toddoba dhibcood isla markaana Axadda wada dheeli doonaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga