Newcastle Oo Guul-darro Xanuun Badan U Xambaarisay Manchester United

Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa soo afjartay saddex ciyaarood oo si xidhiidh ah ay Manchester United guulo uga soo hoysay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana kulan ay cimillada xun ee UK saamayn ku yeelatay ay Newcastle saddex dhibcood kaga qaadatay Man United.

Ciyaar ay inteeda badan maamulaysay Newcastle United ayaa Red Devils ay isku darsatay guul-darro iyo bandhig aad u hooseeyey oo ahaa nooc aan looga baranin Manchester United.

Gool uu qaybtii dambe dhaliyey Anthony Gordon ayaa Newcastle United ku hoggaamiyey guul ay u qalmaysay, kaddib markii uu xiddiga reer England tallaabooyin ka hormaray Aaron Wan-Bissaka oo ilaalinayay, isaga oo la kulmay kubbad uu dhinaca midig ka keenay Kieran Trippier oo soo farsameeyey Diogo Dalot oo waardiyeynayay.

Manchester United ayaa weerar ku bilowday ciyaarta, waxaana dhinaca midig kala soo galay kubadda Alejandaro Garnacho oo uu goolhaye Nick Pope ka qabtay kubadda,, balse Alejandro Garnacho ayaa u dhowaaday in uu dhaliyo weerar celis ahaa kaas oo uu kubadda ka joojiyey Harry Maguire.

Miley ayaa fursad dahabi ahayd waxa ka joojiyey Maguire iyo Onana oo isku kaashaday, halka Trippier uu laad xor ah birta kaga gariirsiiyey waxyar ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin.

Daqiiqaddii 55aad ayay Newcastle United hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu Anthony Gordon dhamaystiray kubbad uu dhinaca masoo dhigay Trippier oo dhawr difaac iyo goolhayaha dhaxdooda soo mariyey kubadda.

Newcastle ayaa ku doodday in loo dhigo rikoodhe markii uu Joelinton dhinaca bidix kala soo galay kubadda ee uu u dhiibay Miley oo darbad uu ku toogtay goolka uu isku dhigay Wan-Bissaka oo u muuqanayay in ay gacan kaga dhacday, balse garsooraha ayaa u sheegay in aanay waxba dhicin.

Manchester United ayaa dhaliyey gool waqti dambe ahaa oo offside caddaan ah lagu qaaday, kaddib markii kubbad uu Antony soo laaday ay kusii dhacday Maguire.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Newcastle United ay soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League waxaanay yeelatay 26 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga