Real Madrid Oo Dib U Heshay LABA Ka Mid Ah Xiddigihii Ka Dhaawacnaa Iyo Waqtiga

Real Madrid ayaa helaysa warar fiican oo u xaqiijinaya inay dib ugu soo laabanayaan xiddigo muhiim ah oo dhaawac kaga maqnaa, ka hor inta aanu dhamaanin sannadkan soo galbanaya ee ay saddexda usbuuc ka hadhsan yihiin. Ciyaarta ay Villarreal booqan doonto Santiago Bernabeu 17ka December, ayaa lagu soo dhoweyn doonaa labada ciyaartoy ee Arda Guler iyo Aurelien Tchouameni oo labaduba taam u noqon doona.

Guler oo xilli-ciyaareedka oo dhan dhaawacyo kaga maqnaa ayaa markii uu dambaysay waxa ay waxyeello kasoo gaadhay muruqa ah, waxaase uu ugu dambayntii awoodi doonaa in uu soo afjaro sugitaankii dheeraa ee ahaa in la arko isaga oo u ciyaaraya Real Madrid.

Ka hor inta aanu dhamaanin sannadkan 2023, ayaa uu Arda Guler kusoo laaban doonaa garoomada, sida uu xaqiijiyey warteyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, laakiin kooxdiisa Real Madrid ayaan wali si rasmi ah uga hadal in Guler uu awoodi doono inuu ciyaaro kulanka Villarreal.

Aurelien Tchouameni oo isaguna dhaawac ku maqnaa intii ka dambaysay ciyaartii Barcelona ee October 28 oo uu kaga jabay farta labaad ee lugta bidix oo lagu sameeyey qalliin, ayaa hore loogu qabtay in uu muddo laba bilood ah garoomada ka maqnaanayo, hase yeeshee waxa uu sameeyey bogsasho degdeg ah oo keenaysa in uu qayb ka noqdo ciyaarta Villarreal, isaga oo laba usbuuc hore uga soo dhacaya waqtitii loo muddeeyey soo laabashadiisa.

Haddii labadan ciyaartoy ay awoodi waayaan inay qayb ka noqdaan kulanka Yellow Submarine, waxa ay soo laaban doonaan ciyaarta ugu dambaysa sannadka ee Deportivo Alaves ee December 21, maadaama ay Real Madrid fasax geli doonto maalmaha ugu dambeeya sannadka.

Warbaahinta Spain ayaa waxa sidoo kale maanta kasoo muuqday Vinicius Junior oo tababarka fudud bilaabay, isla markaana garoonka Valdebebas ay ku kormeerayaan dhakhaatiirta iyo tababareyaasha jidh-dhiska, waxaana loo ogolaaday in uu kubadda laadi karo.

Vincius Junior oo dhaawac muruqa ah uu kasoo gaadhay isaga oo u ciyaaraya xulka qarankiisa Brazil badhtamaha bishii Jovember, ayaa waxa hore loo sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono illaa bisha February, laakiin hadda waxa uu bartilmaameesanayaa tartanka Spanish Supercup ee lagu qabanayo waddanka Sucuudiga usbuuca labaad ee bisha January.

Luka Modric iyo Kepa Arrizabalaga ayaa iyagu hore ugu soo laabtay tababarka, halka Jude Bellingham uu kulankii ugu dambeeyey ciyaaray isaga oo garabka uu kaga duuban yahay ilaaliye.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga