Erik ten Hag Oo Sharraxay Sirta Ka Caawisay Scott McTominay Inuu Dhaliyo Labadii Gool Ee Ay Ku Garaaceen Chelsea

Erik ten Hag ayaa ammaan kula dul-dhacay Scott McTominay oo laba gool u dhaliyey kulankii ay Chelsea 2-1 ku garaaceen Arbacadii, waxaana uu sidoo kale sharraxay sirta ka dambaysa goolasha uu laacibkani dhalinayo.

McTominaya aya isku rogay gool-dhaliyaha Manchester United waxaana uu sabab u noqday in ay saddex dhibcood oo kaliya usoo jirsadaan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City iyagoo soo fadhiistay booska kaalinta lixaad.

Tababare Erik ten Hag oo la hadlay saxaafadda ayaa la weydiiyey sirta gool-dhalinta McTominay, waxaanu ku jawaabay: “Waxa uu leeyahay xirfadihii lagu dhalin lahaa goolasha. Marka uu soo gelayo xerada ganaaxa, waxa uu yaqaanaa waqtiga saxda ah ee ugu habboon, wuxuu uriyaa halka kubaddu imanayso, kaddibna dhamaystirkiisa ayaa aad u fiican.

“Marka aynu ka hadlayno isbeddelka, mararka qaarkood waa ciyaartoy dib u fadhiista, mararka qaarkood wuu deggan yahay, laakiin xeeladahayaga, qorshahayaga iyo taatikada ciyaarta aanu u dejinay ayay ku xidhan tahay sarrayntiisu. Markaa waxa uu ka iman karaa boosas kala duwan, waxa uu noqon karaa weerar, waxa uu samayn karaa orod.

“Waxa sarreeya dareenkiisa marka uu soo gelayo xerada ganaaxa, waxa uu aad ugu fiican yahay dhamaystirka, kooxduna waa in ay xaqiijiso in ay kubadda isaga la doontaan marka uu ku jiro xerada ganaaxa.”

Scott McTominay ayaa si joogto ah ugu soo bilaabanayey khadak dhexe ee Manchester United tan iyo markii ay dhaawacmeen Casemiro, Christian Eriksen iyo Mason Mount, waxaana Arbacadii ay kusoo wada-bilowdeen Sofyan Amrabat oo khadka dhexe kala dheelayay.

26 jirkan ayaa ah ciyaartoyg ugu goolasha badan Manchester United xilli-ciyaareedkan waxaanu dhaliyey shan gool, halka Bruno Fernandes uu saddex gool dhaliyey, sidoo kalena Marcus Rashford uu laba gool saxeexay xilli-ciyaareedka oo dhan horyaalka Premier League, waxaase wali qatan Rasmus Hojlund oo aan wax goolal ah ka dhalinin horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga