Joao Felix Oo Magacaabay XIDDIGA Liverpool Ee Uu Jeclaan Lahaa Inay Barcelona La Saxeexato

Xiddiga reer Portugal ee Joao Felix ayaa Barcelona u tilmaamay ciyaartoy ka tirsan Liverpool oo uu jeclaan lahaa in ay ku midoobaan Barcelona oo ay iska garab ciyaaraan mustaqbalka, iyadoo xaqiiqadu tahay in Felix aanu mustaqbalkiisu sugnayn oo ay suurtogal tahay inuu dib ugu laabto Atletico Madrid haddii Barca ay ka gaabsato inay si rasmi ah u iibsato.

Joao Felix oo dhaliyey goolkii madiga ahaa ee Barcelona ka caawiyey in ay ka adkaato Atletico Madrid toddobaadkan, ayaa waxa uu sheegay in uu jeclaan lahaa, in Barcelona ay u wada ciyaaraan khadka dhexe ee Liverpool ee Dominik Szoboszlai.

Laacibkan oo Liverpool ay xagaagii £60 milyan oo Gini kaga soo iibsatay RB Leipzig, ayaa kusoo bilowday 14 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu dhaliyey hal gool, laakiin waxa uu sameeyey fursado badan oo sababay in Reds ay guul gaadho.

Szoboszlai ayaa bandhiggiisu waxa uu soo jiitay Joao Felix oo aanay wali iska garab ciyaarin, waxaana waraysi uu laacibka reer Portugal uu siiyey warbaahinta Spiler TV uu ku ammaanay xiddiga reer Hungry.

Joao Felix ayaa waraysiga lagu weydiiyey ciyaartoyga uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro oo ay ku midoobaan Barcelona, waxaana uu ku jawaabay: “Waxa aan jeclaan lahaa Dominik Szoboszlai-ga Liverpool. Waxa aan jecelahay ciyaartiisa, waxaanay ila tahay in halkan (Barcelona) uu maalin uun ka ciyaari doono.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga