Manchester United Oo Lagu Karbaashay Garoonkeeda Old Trafford Iyo Lama-filaankii Ay Samaysay Bournemouth

Kooxda kubbadda cagta Bournemouth ayaa 3-0 ku dubatay Manchester United oo ay marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, halkaas oo jamaahiirta Red Devils ay mar kale deris ugu noqdeen murugadii ay filayeen inay kasoo doogayaan.

Saddex gool oo ay qaybsadeen Dominik Solanke, Marcos Senesi iyo Philip Billing ayaa Bournemouth siiyey guul ay u qalmaysay oo ay kasoo gaadhay Manchester United oo hoygeeda joogtay.

Daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta ayay Manchester United murugada koowaad usoo hoyatay, waxaana gool qurux badan oo cidhib ahaa ka dhaliyey laacibkii hore ee Liverpool ee Dominik Solanke oo la kulmay kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Lewis Cook, taas oo goolhaye Andre Onana uu arkay iyadoo dhinaca midig ka dhaaftay oo shabaqiisa dhax-taalla.

Goolkan ayaa noqday midka niyad-jabka waqtiga hore ahaa u geystay Manchester United ee ay kasoo waaqsan kari weyday, halka Bournemouth ay ku dedaaashay inay shabaqeeda ilaashato, sidoo kalena weerar aan cabsi lahayn ku dheesho.

Kooxda martida ahayd ee Bournemouth, ayaa sidoo kale heshay fursad dahabi ahayd oo hoggaanka ay kusii dheeraysan karayeen qaybta horeba, waxaase kubbad uu ku ganay Solanke ay ku dhacday birta isaga oo waliba dhaafiyey Onana oo ay u ahayd maalin madow.

Solanke ayaa mar kale shabaqa soo taabtay oo dhaliyey kubbad karoos ahayd oo uu ka helay Kerkez oo uu ku qabtay madax, laakiin waxa markii uu bilaabay dabbaal-degga uu arkay iyadoo uu calanku ka taagan yahay dhinaca oo loo sheegayo inuu offside ku jiray.

Bournemouth ayaa xaqiiqsatay in ay guuleysayso daqiiqaddii 68aad oo goolka labaad oo aanu muran ku jirin uu u dhaliyey Phillip Billing oo kubbad uu soo dhiibay Tavernier weydaariyey Onana.

Waxa goolkan ka horreeyey kubbad uu Diogo Dalot lasoo galay xerada ganaaxa oo uu kala bakhaylay saaxiibbadii oo shabaqa dhinaca kaga dhuftay.

Daqiiqaddii 73aad ayay Bournemouth keentay goolka saddexaad oo ahaa kubbad ka timid Tavernier oo uu madax ku qabtay Senesi oo meel fog oo aanu Onana gaadhi karaynin kubadda dhigay.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray ayay Bournemouth dhalisay gool afraad oo uu garsooruhu diiday markii la xaqiijiyey in ay kubaddu gacanta kaga sii dhacday Outara, taas oo VAR laga soo hubiyey.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga