Liverpool Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League Kaddib Guul Waqti Dambe Ay Ka Gaadheen Crystal Palace

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay ugu dambaysay muddo sannad iyo dheeraad ah, waxaana ay figta sare ee miiska kala-sarraynta Premier League ku fadhiisteen guul soo laabasho ah oo ay ka gaadheen Cristal Palace oo ay ku booqdeen magaalada London.

Laba gool oo qaybtii dambe ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Harvey Elliot ayaa Liverpool siiyey guul ay si adag ugu dagaallantay, iyagoo meesha ka saaray gool rikoodhe ahaa oo ay Crystal Palace kala hormartay bilowgay qaybta labaad.

Ciyaar la isku rafaaday oo ka dhacday garoonka Selhurst Park ayay Liverpool awoodday inay ka hesho saddex dhibcood oo muhiim ah, waxaanay hoggaanka kala-wareegtay Arsenal oo fiidka hore marti u noqon doonta Aston Villa.

Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay ciyaarta oo qaybtii hore ka burbursanayd khadka dhexe, waxaana tababare Jurgen Klopp uu sameeyey beddel degdeg ah waqtigii nasashada isagoo saaray Wataru Endo oo kubbad laga boobay uu rikoodhe ku galay Van Dijk, laakiin ay VAR meesha ka saartay.

Daqiiqaddii 56aad ayaa Liverpool lagu dhigay rikoodhe markii uu da’yarka Jarrot Quansah uu qalad ku galay Mateta oo beddel ugu soo galay Crystal Palace, waxaana rikoodhahan markiiba dhigay garsooraha oo aan u baahanin inuu VAR kasoo hubiyo, iyadoo Mateta uu gool u beddelay daqiiqaddii 57aad.

Liverpool ayaa goolka barbarraha keentay dhamaadka ciyaarta oo ay 14 daqiiqadodo ka hadhsan yihiin, waxaana kubbad ay difaaca Crystal Palace iska saari kari waayeen xerada ganaaxa ka helay Jones oo u dhiibay Salah oo isaguna lugta bidix ku dhamaystiray.

Reds ayaa sii wadday dedaalka gool-raadinta, laakiin waxay ku sigteen in dhawr jeer laga dhaliyo goolal, iyadoo ay weerarka Crytal Palace ka daba-baxeen, isla markaana halis geliyeen goolka.

Harvey Elliott ayaa noqday geesiga Liverpool ee saddexda dhibcood u go’aamiyey, sidoo kalena u dhiibay hoggaanka horyaalka Premier League.

Kubbad uu kala soo galay dhinaca midig ayuu kula soo dhowaaday xerada ganaaxa, kaddibna waxa uu ku toogtay darbad xooggan oo uu ku hubsaday shabaqa Palace daqiiqaddii 91aad.

Ciyaarta oo lagu daray 10 daqiiqadood oo dheeraad ah, ayaa ay Liverpool keensatay gool saddexaad oo uu dhaliyey Diaz balse waa laga diiday.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay yeelatay 37 dhibcood, halka Arsenal oo fiidka la ciyaari doonta Aston Villa ay u dhacday kaalinta labaad oo ay haysato 36 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga