Liverpool Oo La Wareegaysa Hoggaanka Premier League Oo Ay Ugu Dambaysay Sannad Iyo Dheeraad + Shuruudda Ka Xigta

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la wareegaysa hoggaanka horyaalka markii ugu horreysay muddo sannad iyo dheeraad ah, balse waa in ay ka takhalusto Cristal Palace maalinta Sabtida, sidoo kalena ay ka badbaaddo inkaarta ka haysata kulamada waqtiga duhurnimada la ciyaaro.

Liverpool ayaan qabannin hoggaanka horyaalka Premier League tan iyo xilli-ciyaareedkii 2021/22, waxayse heli doontaa fursad ay hal dhibic ku dhaafto Arsenal Sabtida haddii ay ka adkaato Crystal Palace, balse saacado kooban ayay ka talin doonaan haddii ay Arsenal kasoo adkaato kulankeeda fiidka Sabtida.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu laba dhibcood usoo jirsatay Arsenal markii ay Arbacadii 2-0 kusoo garaacday Sheffield United, waxaana mar kale loo ballamiyey Crystal Palace oo marka ay Saacadda UK tahay 12.30pm oo ku beegan 3.30pm waqtiga Geeska Afrika ay kulmi doonaan.

Reds inkaar ayaa ka haysata kulamada waqtigan la ciyaaro, waxaana toddobadii ciyaarood ee Premier League ee ay 12.30pm ciyaareen ay guuleysteen hal mar oo kaliya, iyadoo saddex laga badiyey, saddexna barbarro galay.

Markii ugu dambaysay waxay la ciyaareen Wolves oo ay bishii September ay kaga soo badiyeen 3-1, waana guusha kaliya ee toddobada ciyaarood ee ay saacaddan oo kale dheeleen.

In saacaddii inkaarta ku ahayd ay dheelayaan iyo in ay marti yihiin ayaa Liverpool dhibaato ku noqonaysa, hase yeeshee arrinta niyadda u wanaajinaysa ee dagaalkooda xoojinaysa ayaa waxay tahay inay awoodi doonaan inay hoggaanka horyaalka la wareegaan haddii ay badiyaan.

Rikoodhka labada kooxood

  • Crystal Palace 12 ciyaarood oo ay ka hor tagtay Liverpool wax guul ah ma aanay helin. 10 jeer waxa si xun u garaacday Liverpool, labada kalena barbarro ayay galeen, sidaas ayaanay Liverpool ku tahay kooxda dhibaatada ugu badan ay kala kulanto Crystal Palace.
  • Liverpool marnaba guul-darro kalama aanay soo kulmin Crystal Palace oo ay marti u tahay kulan ka tirsan horyaalka Premier League tan iyo markii uu Jurgen Klopp xilka qabtay sannadkii 2015. Siddeed ciyaarood oo Jurgen Klopp uu booqday Palace waxa uu lasoo laabtay toddoba guulood iyo mar barbarro ah. Palace oo ka badisa Liverpool waxa u dambaysay November 2014, waqtigaas oo Brendan Rodgers uu ahaa tababaraha Liverpool.
  • Liverpool waxay guuleysatay afar ka mid ah 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay martida u noqotay kooxaha reer London, afar waa laga badiyey, toddobana barbarro ayay soo galeen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga