Jurgen Klopp Oo AFAR Isbeddel Ku Sameeyey Xiddigihii Waqtiga Dambe Guusha Ka Keenay Fulham & Endo Oo Booskiisa Xoogsaday

Liverpool waxay marti ku tahay Bramall Lane oo ay ugu tagtay Sheffield United, waxaana uu tababare Jurgen Klopp afar beddel ku sameeyey safkii guusha waqtiga dambe ah Axaddii ka gaadhay Fulham oo dhamaadkii ka takhaluseen.

Joel Matip oo dhaawacmay ayaa waxa beddelay Ibrahima Konrate, sidoo kale Joe Gomez ayaa kusoo bilowday difaaca bidix oo nasiyey Kostas Tsimikas oo si joogto ah u ciyaarayay bishii ugu dambaysay, halka Wataru Endo uu booska khadka dhexe kala baxay Ryan Gravenberch oo uu ka garab ciyaarayo Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai.

Weerarka dhexe ayaa waxa kusoo bilowday Cody Gakpo oo beddelay Darwin Nunez oo dersin goolal ah khasaariyey ciyaartii rafaadka ay kaga adkaadeen Fulham.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Kelleher, Alexaner-Arnold, Konate, Van Dijk, Gomez, Endo, Mac Allister, Szoboszlai, Salah,  Gakpo, Diaz.

Kaydka: Adrian, Pitaluga, Nunez, Jones, Elliott, Tsimikas, Gravenberch, Quansah, Bradley.

Sheffield United XI: Foderingham, Bogle, Ahmedhodzic, Robinson, Trusty, McAtee, Souza, Hamer, Brooks, Osula, Archer

Kaydka Davies, Lowe, Fleck, Traore, Thomas, Norwood, Slimane, Larouci, Seriki

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga