Raphinha muxuu ka yiri Guushii kooxdiisa Barcelona & Hatrick gii uu dhaliyey xalay ……….

Kabtanka FC Barcelona, xiddiga reer Brazil ee Raphinha, ayaa hadallo xamaasad leh ka jeediyay kaddib bandhiggii uu ka sameeyay kulankii ay Barcelona 7-2 kaga adkaatay Racing Santander ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/2027, Raphinha ayaa noqday xiddiga ugu weyn ee ciyaarta, isagoo dhaliyay hat-trick, waxaana labo ka mid ah goolashiisa ay ahaayeen laadad rigoore ah.

Isagoo la hadlayay DAZN kaddib ciyaarta, Raphinha wuxuu sheegay in uusan marnaba is leeyahayn wuxuu gaaray heerkii ugu fiicnaa ee kubbaddiisa.

Wuxuu yiri:“Mar walba waa muhiim in laga fikiro waxyaabaha u baahan horumar,  Marnaba ma oran doono waxaan gaaray heerkii ugu sarreeyay, sababtoo ah mar walba waxaan doonayaa inaan siyaabo kala duwan u horumaro.”

Kabtanka Barcelona ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay inuu kooxda wax badan siin karo marka loo eego waxa uu hadda qabanayo:- “Dabcan, wax badan ayaan kooxda siin karaa marka loo eego waxa aan hadda sameynayo. Waan ku faraxsanahay goolasha iyo guusha, taas ayaana ugu muhiimsan. Waa inaan sii wadnaa horumarinta nafteena, sidoo kale koox ahaan.”

Raphinha wuxuu sidoo kale ka hadlay hamiga iyo isku-xirnaanta ciyaartoyda Barcelona, isagoo sheegay in kooxdu leedahay rabitaan joogto ah oo ah inay dhaliso goolal badan isla markaana abuurto fursado badan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay mid ka mid ah dhacdooyinkii ciyaarta, isagoo tilmaamay in Ademola Lookman uu arkay Lamine Yamal oo ku jiray meel ka wanaagsan oo uu gool ka dhalin karo, sidaas darteedna uu kubbadda siiyay, Arrintan ayuu Raphinha u adeegsaday tusaale muujinaya ruuxa iskaashiga ah ee ka dhex jira ciyaartoyda Barcelona.

Kabtanka Barcelona ayaa si gaar ah u amaanay tababaraha kooxda, Hansi Flick, isagoo sheegay in macallinka reer Germany uu saameyn weyn ku yeeshay fikirkiisa iyo sida uu naftiisa u arko.

Raphinha wuxuu yiri:-“Mar walba waxaan sheegay in Flick uu yahay tababaraha beddelay maskaxdayda kooxda iyo sida aan naftayda u arko. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa, waxaana taas caddeyn doonaa mar kasta oo aan helo fursad.”

Raphinha ayaa sidoo kale ka hadlay Lamine Yamal iyo rigoore uu ciyaaryahanka da’da yar khasaariyay qeybtii hore ee ciyaarta, Wuxuu sheegay in arrintaasi aysan ahayn dhibaato weyn, isagoo xusuusiyay in ciyaartoy kasta uu fursado lumin karo:- “Danta kooxda waa inay mar walba noqotaa tan koowaad. Lamine wuxuu u baahnaa fursaddaas qeybtii hore, wuu khasaariyay, laakiin ma ahayn dhibaato weyn. Aniguba fursado ayaan khasaariyay.”

Raphinha ayaa intaas ku daray inuu mar walba diyaar u yahay inuu caawiyo Lamine Yamal iyo ciyaartoyda kale ee Barcelona, isagoo xusay muhiimadda goolasha u leeyihiin weeraryahannada.

Raphinha ayaa hadalkiisa kusoo xiray fariin muujinaysa midnimada kooxda:- “Waxaan nahay hal qoys, dhammaanteen waa inaan si wanaagsan u ciyaarnaa oo aan hal jiho u wada dhaqaaqnaa.”

Hat-trick-kii Raphinha ayaa sidaas qayb weyn ka qaatay guushii 7-2, iyadoo Barcelona ay sii xoojisay bilowgeeda cajiibka ah ee xilli ciyaareedka, halka kabtankeeda reer Brazil uu mar kale muujiyay hoggaankiisa gudaha garoonka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga