Halbowlaha Barca Ee Ay Ku Dagaallamayaan Man United Iyo Munich, Liverpool Weeraryahan Kale La Saxeexanaysa Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Raphael Varane ayaa ka tegaya Manchester United bisha January, iyadoo 30 jirkan reer France ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag. (Nicolo Schira)

Tottenham ayaa hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro weerarka reer England ee Samuel Iling-Junior oo ah 20 jir u ciyaara Juventus oo ay sidoo kale doonayso Newcastle. (Football Insider)

Tottenham, Newcastle iyo Manchester United waxay xiisaynaysaan in ay la saxeexdaan goolhayaha Valencia iyo xulka qaranka Georgia ee Giorgi Mamardashvili oo 23 jir ah. (Fichajes)

Fulham waxay si dhow ula socotaa xaaladda difaaca reer Senegal ee Araouan Sangante oo ah 21 jir u ciyaara naadiga reer France ee Le Harve. (Sun)

Liverpool ayaa ka mid noqotay tiro kooxo horyaalka Premier League ah oo doonaya weeraryahanka reer Germany ee Maximilian Bejer oo la filayo inuu ka tago Hoffenheim xagaaga. (Sky Germany)

Everton waxay doonaysaa in ay iibiso difaaca England ee Ben Godfrey oo 25 jir ah bisha January, waxaana la filayaa in ay dalab kasoo gudbiso Tottenham. (Football Insider)

Manchester United ayaa u ballan-qaadday difaaca Barcelona ee Ronald Araujo inay laba-jibbaar uga dhigayso mushaharkiisa haddii uu yimaaddo Old Trafford. Waxa sidoo kale doonaysa Bayern Munich. (Mundo Deportivo)

Weeraryahanka reer France ee Mathys Tel oo 18 jir ah, ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxdiisa Bayern Munich illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka, inkasta oo uu dalabyo ka helayo kooxo ay ku jirto Manchester United oo amaah ku doonaysa. (Sky Sports)

Chelsea iyo Liverpool ayaa indhaha ku haya khadka dhexe ee Inter Milan iyo Turkey ee Hakan Calhanoglu oo 29 jir ah, waxaanay mid walba doonaysaa inay la saxeexato. (Tuttosport)

Chelsea waxay wada-hadal toos ah kula jirtaa kooxda Palmeiras oo ay kala xaajoonayso iibka 16 jirka reer Brazil ee Estevao Willian oo loo yaqaano Messinho, kaas oo ay sidoo kale doonayso Barcelona. (Goal)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga