QIIMAYN: Waddamada Ugu Cadcad Ee Ku Guuleysanaya Tartanka Euro 2024 Oo Qiimayn Lagu Sameeyey

Kaddib markii lasoo saaray isku-aadka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Germany, waxa bilaabantay qiimaynta lagu samaynayo awoodda xulalka, fursadaha ay u haystaan inay tartanka ku guuleystaan iyo dariiqa ay marayaan.

Lix group oo min afar waddan ah ayaa loo qaybiyey dalalka sannadka dambe ku dagaallamaya Euro 2024, waxaana magacyadoodu ay bannaanka yihiin 21 dal oo hore usoo gudbay, halka la sugayo inay saddex dal oo kale soo galaan isreeb-reeb dariiq dheer ah oo la go’aaminayo dhamaystirka dalalka ka qayb-gelaya tartanka.

Saddexda waddan ee Spain, Croatia iyo Italy ayuu midkood ku hadhi doonaa wareegga koowaad ee group-yada maadaama ay wada galeen hormada ugu adag ee dhimashada, waxaana ku wehelinaya xulka Albania iyadoo laba waddan oo kaliya laga doonayo, laakiin England ayaa dariiq fudud mari doonta oo ay Group C ku wehelinayaan Slovenia, Denmark iyo Serbia, halka France ay isku group noqdeen Holland, iyadoo Portugal ay waajihi doonto Turkey, iyo Chezk Republic iyo dal kale oo aan wali la xaqiijin oo isreeb-reebka kusoo bixi doona.

Kaddib isku-adka, qiimayn la sameeyey ayaa waddanka ugu cadcad waxa ay ka dhigtay England oo fursadda ay haystaan ay aad uga fiican tahay dalalka kale, sababtoo ah waxay soo marayaan dariiq fudud.

Waatan qiimaynta iyo fursadaha siddeedda waddan ee ugu cadcad ku guuleysiga Euro 2024

Euro 2024 winner odds

7/2 England

4/1 France

6/1 Germany

7/1 Spain

8/1 Portugal

14/1 Belgium

14/1 Italy

16/1 Netherlands

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga