Jurgen Klopp Oo Gravenberch Ku Aaminay Kulanka Adag Ee Fulham Ee Ay Booska 2aad Ku Gelayaan

Jurgen Klopp ayaa lix isbeddel ku sameeyey safkii kooxdiisa ee Khamiistii guusha kasoo gaadhay LASK oo ay ugu soo gudbeen wareegga xiga ee tartanak Europa League, waxaana uu dib usoo celiyey Alexander-Arnold, Maipt iyo Van Dijk, iyadoo kaydka loo diray Gomez, Konate iyo Quansah.

Khadka dhexe ayaa waxa kusoo laabtay Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai oo la fadhiyey ciyaartaas, waxaanay boosaska kala baxeen Wataru Endo iyo Harvey Elliott, halka Gravenberch uu mar kale kusoo bilowday khadka dhexe oo uu booskiisa xajistay.

Weerarka waxa kaydka loo dhaadhiciyey Cody Gakpo, waxaana Mohamed Salah iyo Luis Diaz dhaxdooda ku jira Darwin Nunez, halka ay wali dhaawacyo u jiifaan Thiago Alcantara, Stefan Bajcetic, Diogo Jota, Andy Robertson iyo goolhaye Allison Becker.

Shaxaha kulanka Liverpool vs Fulham

Liverpool XI: Kelleher; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Tsimikas; Gravenberch, Mac Allister, Szoboszlai; Salah, Nunez, Diaz.

Kaydka: Adrian, Gomez, Endo, Konate, Jones, Gakpo, Elliott, Doak, Quansah.

Fulham XI: Leno; Tete, Bassey, Ream, Robinson; Reed, Palhinha; Wilson, Pereira, Iwobi; Jimenez.

Kaydka: Rodak, Adarabioyo, Cairney, Ballo-Toure, Decordova-Reid, Willian, Castagne, Lukic, Vinicius.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga