AKHRISO: Qodobka Lama Filaanka Ah Ee Barcelona U Ogolaanaya Inay Burburiso Heshiiska Robert Lewandowski

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la sheegay in ay burburinayso heshiiska ay kula jirto weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo xagaagii 2022 ay kasoo iibsatay Bayern Munich, markaas oo uu qalinka ku duugay heshiis afar sannadood ah.

35 jirkan ayay Barcelona kasoo bixisay €45 milyan oo Gini, waxaana uu xilli-ciyaareedkiisii koowaad u dhaliyey 30 gool oo dhamaan tartamada ah, isagoo ka caawiyey in ay ku guuleystaan horyaalka LaLiga oo saddex sannadood ay ka qatanaayeen.

Xilli-ciyaareedkan socda ayuu Lewandowski dhaliyey siddeed gool, waxaase uu ku jiraa xaalad ka beddelan middii jacaylka badan ka muuqday ee xilli-ciyaareedkii hore uu ku qaatay Santiago Bernabeu, iyadoo dhaawac uu ku bilowday xilli-ciyaareedka ay u raaceen goolal yaraan iyo in qaabkiisu uu hoos u dhacay.

Weeraryahankan oo kooxdiisii hore ee Bayern Munich usoo dhaliyey 344 gool 375 ciyaarood oo uu u saftay muddo, kulana guuleystay siddeed horyaal iyo Champions League, ayaa hadda ay hadal-hayn ka taagan tahay mustaqbalkiisa.

Qandaraaska uu Robert Lewandowski kula jiro Barcelona ayaa soconaya illaa sannadka 2026, waqtigaas oo ay da’diisu afka la geli doonto 38 jir, waxaase ay kooxda reer Spain haysataa laba fursadood oo midda hore tahay inay iibiyaan haddii ay qiime macquul ah ku helaan iyo dookha labaad oo ah dhaqangelinta qodob ku jiray heshiiskii ay kula soo wareegeen laacibkan oo Barca u ogolaanaya inay burburiso heshiiskiisa.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa waxa heshiiska Lewandowski ay ku dartay, qodob dhigaya, inay burburin karto qandaraaskiisa isaga oo aan magdhow ku yeelanayn haddii uu ciyaari waayo wax ka badan 55% kulamada kooxda, kuwaas oo ugu yaraan ay tahay inuu garoonka ku jiro 45 daqiiqadood.

Haddii uu sidaa samayn waayo, Barcelona waxay xaq u leedahay in ay burburiso heshiiska Robert Lewandowski sannadka ugu dambeeya, taas oo cimriga laacibkan kusoo koobi karaysa saddex sannadood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga