PSG Oo Heshay Hub Qarsoon Oo Ka Caawinaya Inay Xajisato Kylian Mbappe

Real Madrid iyo Kylian Mbappe wali waa sii xidhiidhayaan, waxaana la sheegayaa in bisha January ay miiska wada-fadhiisan doonaan oo Los Blancos ay qaadayso tallaabadii ugu dambaysay ee ay kula saxeexanayso xiddiga reer France.

Laba talo ayaa ka dhalanaya isku-dayga Real Madrid, waana in ay xagaagan helaan Mbappe iyo in ay qorshahooda ka saaraan oo aanay waligood dib dambe iskugu dayin inay la saxeexdaan, taas oo uu ciyaartoyguna ogsoon yahay maadaama uu kaga baxay ballan hore oo uu la galay.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid iyo Kylian Mbappe waxay rajaynayaan in ay gaadhi doonaan is-faham sababa heshiis hordhac ah oo qoraal ah amaba mabda’ ahaan ay meel iskula sii dhigi doonaan Janaury 15 oo ah waqtiga ay Madrid u qabatay dhamaystirka hawlgalkii sannadaha soo socday ee Kylian Mbappe.

Laakiin PSG ayaa ay ka go’an tahay in aanu si fudud kaga muruxsanin Kylian Mbappe, waxaanu qorshahoodu yahay in aanay roog ama kaarbet cagaaran u dhigin si uu uga baxo Parc des Princes bisha January.

Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa isticmaalaya laba hub oo qarsoon oo uu rumaysan yahay in ay ka caawin doonaan in ay Kylian Mbappe sii xajistaan ugu yaraan hal sano oo kale.

Arrinta koowaad ayaa waxay tahay, in Mbappe uu ku qanciyo in uu saxeexo heshiis cusub oo uu sii joogo Ligue 1 muddo kale si uu u noqdo ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda horyaalka oo haddaba uu kaabiga ku hayo, kaas oo si uu u rumeeyo oo taariikhda loogu xasuusto uu u baahan yahay inuu sii joogo xilli ciyaareedka dambe.

Qodobka kale ee PSG ay is-leedahay wuu idinka caawinayaa in aad sii haysataan Mbappe, waa in uu ciyaaro ciyaaraha olombikada ee soo socda oo uu xulka qarankiisa u dheelo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga